Wasiirka waxay ugu yeeraan Dhalinyarada maamul goboleedka Ashahaada la dirirka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay inuu maamulkiisu ka madax bannaan yahay kan kooxda Riddada Soomaaliya.
Wasiirkan, ayaa si cad u sheegay inay sii ahaanayaan waxa uu ku sheegay dowlad madax bannaan, ayna si gaar ah ula macaamili doonaan dowladaha reer galbeedka.
Hadalka wasiirka Dhalinyarada maamulka Ashahaada la dirirka Puntland, ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Riddadu ku fashilantay isku day weerar oo ka dhan ahaa maamulka Siciid Deni, kaasi oo uu diyaar-garowgiisu ka socday gobollada Mudug iyo Bari.
Maleeshiyaadka maamulka Siciid Deni, ayaa la wareegay saddex saldhig oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka PSF ee taabacsan kooxda Riddada, waxay na gacanta ku dhigtay saraakiil iyo maleeshiyo muhiim u ah kooxda Riddada oo uu ka mid yahay Taliyihii maleeshiyada PSF, Cabdulqaadir Giijaale.