Maxamuud Caydiid Dirir, oo ah wasiirka waxay ugu yeeraan dhalinyarada maamulka Ashahaada la dirirka Puntland, ayaa si adag ugu goodiyay maleeshiyo horay uga tirsanaa maamulkiisa, kuwaas oo dhowaan u goostay dhanka maamulka Riddada Galmudud.
Murtadkan, ayaa sheegay in maleeshiyadan ka mid yihiin kuwii ku biiray kooxda Riddada ee la doonayay in deegaannada maamulkiisa lagu weeraro, ugu dambayna iska dhiibaan dhanka maamulka ay jaarka yihiin ee Galmudug.
Maamulka Qoorqoor, ayuu ku dhaliilay inay ahayd inay soo celiyaan maleeshiyadan oo ay gacanta maamulkiisa kusoo simaan.
Waxay tani kusoo beegmaysaa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya kooxda Riddada iyo maamulka Ashahaada la dirirka ee uu Deni hoggaamiyo, maamulka Garoowena ka digay socdaal uu Gurguurte ku tago koonfurta magaalada Gaalkacyo.