Khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhashay shil baabuur oo ka dhacay dalka Kenya, gaar ahaan deegaanka Ikangavya ee ka tirsan ismaamulka Makueni.
Shilka oo yimid markii uu rogmaday gaari nooca dadweynuhu raacaan, ayaa gallaaftay nolasha ugu yaraan 7 qof oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga rogmaday, halka sidoo kalena dhaawacmeen 30 kale.
Ilo wareedyo deegaanka, ayaa sheegay in gaariga rogmaday uu siday xubno qoys iyo saaxiibo ka kooban oo kasoo ambabaxay deegaanka Nthongoni oo ka tirsan bariga Kibwezi , kuna sii jeeday deegaanka Maumba ee Ikangavya.
Kenya waxay ka mid tahay waddamada dhaca Africa ee ay ku badan yihiin shilalka gaadiid ee dadka badan gallaafta, waxaana sannadkii la diiwaan geliyaa kiisas badan oo shilal ah iyo dhimashada kumanaan qof.