Adwa Defense, Intelligence & Strategic Studies (ADDIS) waa machad cilmi-baariseed oo xoogga saara difaaca iyo amniga Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujiyey go’aanka Maraykanka ee joojinta taageerada saadka ee isbahaysiga AUSSOM.
Warbixin uu soo saaray machadkan Itoobiyaanka ah ayuu ku sheegay in tallaabada Washington ay kusoo aadayso xilli aysan isku filnayn maleeshiyaashiyaadka Villa Soomaaliya isla markaana ay si weyn ugu tiirsan yihiin taageero dibadeed.
Dhinaca Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayay warbixintu tilmaantay in go’aanka Maraykanku kusoo beegmayo xilli ay sii xoogaysteen isla markaana isku fidiyeen dhul aad u ballaaran, arrintaas oo machadku xusay in welwel xooggan ay ku hayso Itoobiya.
“Khatarta ugu weyn waxay noqon kartaa in si tartiib ah u sii ballaarato xorriyadda dhaqdhaqaaq ee jihaadiyiinta, taas oo u oggolaan karta Al-Shabaab inay si weyn uga dhex shaqayso deegaannada ay ciidamadu ka yaraadaan.” Ayay tiri warbixintu.
Waxyaabaha wakhti-xaadirkan la gudboon dowladda Xabashida Itoobiya oo machadku soo hadal-qaaday, ayuu carab-dhabay inay ka mid tahay in ciidamadeeda ay isugu ururiso dhinacyada u dhow xuduud-beenaadyada ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliya.
“Itoobiya waxay u badan tahay inay ciidamadeeda ku ururiso goobaha ugu muhiimsan ee amnigeeda, gaar ahaan agagaarka Baydhabo ee Bay iyo Bakool, iyo Gedo oo ku dhow xuduudaha Itoobiya iyo Kenya.” Ayuu yiri Machadka ADDIS.
Warbixintu waxay ka sanqarisay in ciidamada Xabashidu ay si tartiib ah ugu gudbi doonaan difaaca hore isla markaana ay xoojin doonaan difaaca xuduudaha, maadaama la filayo ayay tiri, in Al-Shabaab ay yeelan karto xorriyad dhaqdhaqaaq oo ka badan tii hore.
“Ka bixitaan degdeg ah wuxuu abuuri karaa daldaloolo amni oo ka dhasha xuduudda, wuxuu wiiqi karaa shabakadaha sirdoonka Itoobiya, wuxuuna maamullada Soomaalida ee ay Itoobiya taageerto u bandhigi karaa cadaadis weyn oo kaga yimaada Al-Shabaab.” Ayuu yiri ADDIS.
Machadku waxa uu hoosta ka xariiqay in ciidamada Itoobiya ay noqon doonaan kuwo si weyn loogu ururiyo marinnada istiraatiijiga ah iyo xuduudda, iyadoo dhanka kalena Addis Ababa ay xoojin doonto ayay tiri warbixintu, difaaceeda gudaha Itoobiya.
Walaaca uu machadkani muujinayo ayaa imanaya xilli caqabado amni iyo kuwo dhaqaale oo in muddo ah haystay ciidamada Afrikaantu ay kasii dareen, kadib markii Maraykanku uu dhawaan shaaciyey inuu ka joojinayo saadkii uu ku taageeri jiray hawl-galka AUSSOM.