Xaalad kacsanaan ah ayaa maanta ka jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kadib markii Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu ay dar-dar xooggan geliyeen barakicinta iyo boobka guryaha shacabka ee ay ka wadaan gobolka Banaadir.
Maleeshiyaadka riddada oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar culus ku qaaday dadka shacabka ah ee ku nool caasimadda Muqdisho, gaar ahaan xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshid iyo Kaaraan.
Maleeshiyaadkan oo wata baabuur fara badan oo kuwa dagaalka ah iyo sidoo kale cagaf-cagafyada ay ku burburiyaan guryaha rayidka ayaa boob iyo barakicin ka bilaabay qaybo ka mida magaalada sida xaafadda Tookyo ee degmada Yaaqshid.
Dadka danyarta ah ee ku nool xaafaddan oo aad u caraysan ayaa iska-caabbin xooggan kala hor-tagay maleeshiyaadka riddada, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal ay shacabku u adeegsanayeen dhagxaan, halka askarta Gurguurtena ay rasaas nool-nool la dhacayeen shacabka.
Dagaalkan oo soo gaaray ilaa gelinkii hore ee maanta, ayaa sii xoogaystay waaberigii saaka, kadib markii maleeshiyaadka riddadu ay hubka culus u adeegsadeen shacabka isla markaana hawl-galka ay kusoo biireen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ee loo yaqaan F-16.
Intii weerarku socday ayaa mar kaliya shacabka Muqdisho ku war-heleen diyaaradaha Turkiga oo joog hoose ku duulaya, gaar ahaan xaafadaha ay dirirtu ka socotay, kuwaas oo kor ka taageerayay maleeshiyaadka barakicinta iyo xasuuqqa ka waday xaafaddaasi.
Ku dhawaad 10 qof oo shacab ah ayay wararku tibaaxayaan in ay dhinteen, halka dhaawacyada oo ay ku jiraan dad waayeel ah iyo hooyo uur leh la sheegayo inay aad u fara badan yihiin. Muuqaallo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya maleeshiyaadka riddada oo si toos ah u tooganaya shacabka.
Sidoo kale muuqaallada aadka looga anfariiray waxaa ka mid ah hooyo ilmaheedii lagu hor-dhaawacay oo codsanaysa in loo ogolaado in ay qaadato balse maleeshiyaadka riddadu ay diiddan yihiin isla markaana ugu hanjabayaan qori caaradii.
Arrinta fajacisada saaka ku abuurtay shacabka Muqdisho ayaa ah diyaaradah dagaalka ee Turkiga oo iyaguna qayb ka noqday dhul-boobka, barakacinta iyo xasuuqqa uu murtad Gurguurte ka wado caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.