Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Diyaaradaha Turkiga Oo Qayb Ka Noqday Dhul-boobka Gurguurte Ka Wado Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Diyaaradaha Turkiga Oo Qayb Ka Noqday Dhul-boobka Gurguurte Ka Wado Muqdisho.

August 23, 2026

Xaalad kacsanaan ah ayaa maanta ka jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kadib markii Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu ay dar-dar xooggan geliyeen barakicinta iyo boobka guryaha shacabka ee ay ka wadaan gobolka Banaadir.

Maleeshiyaadka riddada oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar culus ku qaaday dadka shacabka ah ee ku nool caasimadda Muqdisho, gaar ahaan xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshid iyo Kaaraan.

Maleeshiyaadkan oo wata baabuur fara badan oo kuwa dagaalka ah iyo sidoo kale cagaf-cagafyada ay ku burburiyaan guryaha rayidka ayaa boob iyo barakicin ka bilaabay qaybo ka mida magaalada sida xaafadda Tookyo ee degmada Yaaqshid.

Dadka danyarta ah ee ku nool xaafaddan oo aad u caraysan ayaa iska-caabbin xooggan kala hor-tagay maleeshiyaadka riddada, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal ay shacabku u adeegsanayeen dhagxaan, halka askarta Gurguurtena ay rasaas nool-nool la dhacayeen shacabka.

Dagaalkan oo soo gaaray ilaa gelinkii hore ee maanta, ayaa sii xoogaystay waaberigii saaka, kadib markii maleeshiyaadka riddadu ay hubka culus u adeegsadeen shacabka isla markaana hawl-galka ay kusoo biireen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ee loo yaqaan F-16.

Intii weerarku socday ayaa mar kaliya shacabka Muqdisho ku war-heleen diyaaradaha Turkiga oo joog hoose ku duulaya, gaar ahaan xaafadaha ay dirirtu ka socotay, kuwaas oo kor ka taageerayay maleeshiyaadka barakicinta iyo xasuuqqa ka waday xaafaddaasi.

Ku dhawaad 10 qof oo shacab ah ayay wararku tibaaxayaan in ay dhinteen, halka dhaawacyada oo ay ku jiraan dad waayeel ah iyo hooyo uur leh la sheegayo inay aad u fara badan yihiin. Muuqaallo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya maleeshiyaadka riddada oo si toos ah u tooganaya shacabka.

Sidoo kale muuqaallada aadka looga anfariiray waxaa ka mid ah hooyo ilmaheedii lagu hor-dhaawacay oo codsanaysa in loo ogolaado in ay qaadato balse maleeshiyaadka riddadu ay diiddan yihiin isla markaana ugu hanjabayaan qori caaradii.

Arrinta fajacisada saaka ku abuurtay shacabka Muqdisho ayaa ah diyaaradah dagaalka ee Turkiga oo iyaguna qayb ka noqday dhul-boobka, barakacinta iyo xasuuqqa uu murtad Gurguurte ka wado caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Rabiicul-awal-1448-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -10-03-1448 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -19-05-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -19-05-1448-Hijri

October 29, 2026
Daawo Muuqaalka Turkiga Oo Duqeyn Ku Dilay Ayeeyo 70 Jir Ah.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Warar

Daawo Muuqaalka Turkiga Oo Duqeyn Ku Dilay Ayeeyo 70 Jir Ah.

October 29, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -18-05-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -18-05-1448 Hijri.

October 29, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada