Khasaare isugu jira mid nafeed iyo burbur ayaa ka dhashay duqayn cusub oo maanta laga soo diiwaan-geliyay xeebaha gobolka Nugaal ee waqooyi bari dalka Soomaaliya, halkaas oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen duqaymo ka dhan ah kalluumeysatada.
Duqayntan ayaa gelinkii dambe ee maanta laga soo calaamadiyay xeebta Jiifle ee hoostagta degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal, halkaas oo lagu beegsaday dooni ay saarnaayeen tobaneeyo qof.
Wararka qaar waxay sheegayaan in duqayntu ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, halka wararka qaarna dhimashadu gaarsiinayaan ilaa toddobo qof oo ka mid ahaa dadkii doonida lagu duqeeyay.
Goobta duqayntu ka dhacday ayaa ah meel u dhow halka kooxaha hubeysan ee Soomaalida ah ku haystaan Markabka u raran yahay Turkiga, taasi oo loo badinayo inay ka dambeyso duqaymaha maalmihii u dambeeyay ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal.
Laba duqayn oo tan ka horreeyay ayaa midna lagu dilay ilaa afar qof oo 3 ka mid ah lagu sheegay inay yihiin kaluumeysato ka jillaabata xeebaha gobolka Nugaal iyo naaquudihii doonidaasi, halka tan labaad na lagu burburiyay doonyo ay la socdeen dadka deegaanka.