Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa xasuuq ay maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ugeysteen dad shacab ah oo ka cabanayay dhulboob.
Ugu yaraan 10 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen toogashooyin ay maleeshiyaadka kooxda Ridada ka geysteen xaafadaha Tookiyo suuq Bacaad oo dhammaantood kawada tirsan degmadada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadka murtadiinta ay rasaas oodda uga qaadeen dad hor tubnaa guryahooda oo xilligaas cagaf lagu burburinayay.
Meydka qof shacab ah oo murtadiintu toogasho ku dileen ayaa lagu arkayay wadada laamiga Suuq Bacaad.
Dhinaca kale Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee kooxda Riddada ayaa maleeshiyaadka kooxda Riddada ku eedeeyay fulaynimo,wuxuu sheegay in maleeshiyaadkan ay kasoo firxadaan jiidda dagaalka ayna ka baqaan Mujaahidiinta Al Shabaab balse ay ka adagyihiin oo kaliya dadka shacabka ah.
Shariif ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay umidoobaan difaacashada dhulalkooda islamarkaana labarbar istaago dadka masaakiinta ay ee dhulalkooda xoogga lagu qaadanayo.