Xildhibaan Aadan Cali Arbow oo ka mid ahaa xildhibaannada waxay ugu yeeraan golaha wakiilada maamulka Ashahaada la dirirka ah ee Koonfur-galbeed, ayaa u goostay dhanka maleeshiyaadka hoggaamiyihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Laftagareen.
Xildhibaanka, ayaa lasoo wariyay in uu ka baxay magaalada Baydhaba, waxayna wararku sheegayaan in uu gaaray mid ka mid ah fariisimaha ay ku suganyihiin maleeshiyaadka Laftagareen ee kasoo hoejeeda maamulka Ashahaada la dirirka Aadan Madoobe ee ay kooxda Riddadu ka dhistay magaalada Baydhaba.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay soo dhaweyn ay xildhibaankaasi u sameeyeen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsanaa maamulkii hore ee Koonfur-galbeed.
Wuxuu xildhibaankan biirinayaa saraakiil iyo masuuliyiin horay uga goostay maamulka Aadan Madoobe ee isku dhiibay maleeshiyaadka Laftagareen ee weerarada ku haya maamulka uu Xasan Gurguurte ka dhistay magaalada Baydhaba.