Ugu yaraan laba askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu dilay, toddobo qof oo kalena waa lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo Isniintii shalay ka dhacay gobolka Jonglei ee waddanka Koonfurta Suudaan.
Labada askari ee Itoobiyaanka ah ee la dilay iyo sidoo kale qaar ka mida xubnaha ku dhaawacmay weerarkan ayaa Koonfurta Suudaan u joogay waxa loogu yeero hawlgalka nabad-ilaalinta ee urur-gaaleedka Qaramada Midoobay.
Dhaawacyada ayaa isugu jira saddex askari iyo laba rayid ah oo ka tirasn Qaramada Midoobay, iyo laba sarkaal oo ka mida saraakiisha booliska ee Koonfurta Suudaan, sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.
Waxa kale oo Afhayeenku ka dhawajiyey in weerarkan khasaaraha geystay ay fuliyeen rag hubaysan oo aan la aqoonsan, kuwaas oo uu sheegay inay si ula-kac ah u bartilmaameedsadeen ciidamada Qaramada Midoobay oo hawl-gal roondo ah ku jiray xilligaasi.
Isagoo afhayeenku ka hadlaya arrintan ayaa waxa uu yiri “Roondadani waxay qayb ka yihiin roondooyinka joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay ka samaynaysay deegaanka, iyada oo isku dayaysa inay wax ka qabato amni-darrada joogtada ah ee halkaas ka jirta,”
Afhayeenka Qaramada Midoobey waxa uu ku baaqay in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo dhacdadan, isagoo dableydii weerarkaasi geysatay-na ku tilmaamay dambiileyaal dagaal.
Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee lagu laayay weerarro caynkan oo kale ah tan iyo bilowgii sannadkan oo u badan askar ayuu Afhayeenka UN-ku sheegay in tiradoodu ay gaareyso ugu yaraan 9 qof.
Bartilmaameedsiga askarta iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa kusoo xoogaysanaya waddanka Koonfurta Suudaan, halkaas oo qulqulatooyin xooggani ay ka jiraan.
Dagaallada iyo rabshadahan hubaysan ayaa xooggoodu u dhaxeeyaa ciidamada dowladda Koonfurta Suudaan ee uu hoggaamiyo madaxweyne Salva Kiir iyo xoogagga daacadda u ah hoggaamiyaha mucaaradka ee lagu magacaabo Riek Machar.