Dowladda Iiraan, ayaa shaacisay inay heshiis dhanka saami qaybsiga ah la gashay dowladda Cummaan, kaasi oo ku saabsan arrimaha biyaha marinka Hurmuz.
Taliska ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiran oo warkan soo saaray, ayaa sheegay in heshiiska Cummaan saxiixdeen dhigayo qaybsiga saamiga dhinac kasta ee dakhliga kasoo xarooda Marinka Hormuz.
Dowladda Maraykanka, ayay ku eedeeyeen inay sabab u ahayd dib u dhaca ku yimid heshiiskan, maadaama ay carqaladeyn ku heysay wadahadallada ku saabsan heshiiska qaybsiga dhaqaalaha ee u dhaxeeyay Iiraan iyo Cumaan.
Marinka Hurmuz ayay sheegeen in uu si buuxda ugu jiro gacanta dowladda Iiraan, “Marinka Hormuz wuxuu ku jiraa maamulka iyo gacanta ciidamada Ilaalada Kacaanka,”.
Heshiiska Iiraan shaacisay ee qaybsiga dhaqaalaha marinka Hurmuz, ayaa dhabar jab wayn ku noqonaya Maraykanka, maadama uu dedaal kasta ku bixiyay sidii uu meesha uga saari lahaa in Hurmuz ku hoos jirto maamulka Iiraan, dhaqaalena ka qaado maraakiibta mara marinkaasi.