Xassan Cali Khayre, Ra’iisul wasaarihii hore ee kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa qoraal uu bartiisa kusoo daabacay ku sheegay in uu aad usii kordhay khasaaraha maleeshiyada Riddada kasoo gaaray malxamaddii taariikhda gashay ee Jameeco ee sida daran loogu xasuuqay maleeshiyada Xassan Gurguurte.
Wuxuu Kheyre sidoo kale sheegay inay murjisay khasaarahan laxaadka leh ee maleeshiyada kooxda Riddada kasoo gaaray weerarkii Jameeco ee duleedka magaalada Leego.
Weerarkan cagmarinta ah oo dhacay Isniintii ayuu taliska ciidanka ee XSHM si horudhac ah u xaqiijiyay in lagu dilay ilaa 321 isugu jirta saraakiil iyo askar, halka tiro intaas ka badanna lagu dhaawacay, tiro maxaabiis ahna gacanta lagu dhigay, gaadiid dagaal iyo hubna lagu furtay.
Balse khasaaraha ayaa goor dambe aad isu beddelay oo wararka qaar waxay sheegayaan in dhimashadu gaarayso ama ka badan tahay ilaa shan oo askari, lana la’yahay boqol askari oo kale oo isugu jirta saraakiil iyo askar.
Magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka hadal-heynta ugu badan waxay 48-kii saacadood ee ugu dambeeyay ahayd jabka iyo naasa-beelka ku dhacay maleeshiyada Riddada, xarumaha iyo cisbitaallada ay adeegsato kooxda Riddada ee kuyaal Muqdishana waxaa laga diiwaan-geliyay inay qaabileen dhaawacyo tira beel ah.
Baraha bulshada waxaa saaka oo Arbaco ah laga baadi-goobayaa boqollaal maleeshiyo murtadiin ah oo nolal iyo geeri aan lagu heynin, kuwaas oo xiriirkoodu lumay markii uu qarxay dagaalkii lagu soo afjaray maleeshiyada kooxda Gurguurte ee ka dhacay deegaanka Jameeco ee wilaayada Sh/hoose.