Waxaa marba marka ka dambaysa si xawliya isku soo soo taraysa qaylo-dhaan xooggan oo laga saarayo xasuuqqii maleeshiyaadka riddadu ay kala kulmeen weerarkii barakaysnaa ee Isniintii mujaahidiintu ay ka fuliyeen wilaayada Shabeellaha hoose, gaar ahaan nawaaxiga deggaanka Jameeco ee duleedka magaalada Leego.
Madaxweynihii hore ee kooxda riddada, Shariif-murtad, oo bayaan kasoo saaray dhacdadan, ayaa si weyn uga tiiraanyooday jabka xooggan ee gaaray maleeshiyaadka riddada, kuwaas oo uu tilmaamay in noloshoodii uu ku khamaaray murtad Gurguurte.
“Waxaa nasiib-darro ah in khasaaraha baaxaddaas leh ee soo noq-noqday ee ciidanka soo gaaray uu marar badan dhaliyo sulaalo kala duwan…” Ayuu yiri Shariif-murtad, isagoo xasuqqa ba’an ee maleeshiyaadka riddada gaaray ku eedeeyey Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waxaa mas’uuliyad-darro wayn ah, in ciidamo loo diro deegaanno ay muddo ka talinaysay kooxda Al-Shabaab…” ayuu mar kale yiri, isagoo intaas raaciyey, in uu jiro u dayac hoggaamineed oo aad u culus oo ay wajahayaan maleeshiyaadka riddadu.
Ugu dambayn, isagoo isku muujinaya inuu aad uga xumaaday ciidanka badan ee ku le’day weerarkan, waxa uu Shariif Sheekh ku gooddiyey in marnaba aan la aqbali karin in askarta dowladda lagu baabi’iyo hirgelinta damaca siyaasadeed ee Xasan Gurguurte.
Mid ka mida falanqeeyaasha amniga ee aadka ugu dhuun-daloola kooxda riddada, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ku sheegay, in weerarka ka dhacay Leego uu soo bandhigay fashil amni oo halis ah oo dul-hoganaya kooxda riddada Soomaaliya.
“Oggolaanshaha kolonyo militari ah inay dhaqaaqaan iyada oo aan la xaqiijin in waddadoodu ammaan tahay waxay soo jeedinaysaa burbur weyn oo ku yimid qiimaynta khatarta, isku-dubaridka sirdoonka, iyo qorsheynta hawlgalka…” ayuu yiri Falanqeeyahani.