Ciidamo aad u qalabeysan oo ka tirsan Xarakada Shaabaabul Mujaahidiin ayaa waxay saacadihii lasoo weerar culus oo dhabbagal ah u dhigeen kolonyo ciidan oo murtadiin ah, kuwaas oo kasoo baxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dhanka saldhigga Ballidoogle.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in weerarka kamiinka uu si gaar ah kaga dhacay afaafka hore ee xaafadda Haanta dheer ee degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose.
Waxay wararku intaas ku darayaan in kolanyada maleeshiyada murtadiinta ah ee weerarka jidgalka ah la kulmay ay ku hakadeen goobta, ilaa saakana ay ku suganyihiin halkaasi.
Weerarkan dhabbagalka ah ayaa geystay khasaare kala duwan oo soo gaaray maleeshiyada kooxda Riddada, wuxuuna qeyb ka yahay silsilado weeraro ah oo maalmihii u dambeeyay Mujaahidiinta ka howlgala wilaayada Sh/hoose ku dhiig-bixinayeen maleeshiyada Ashahaada la diririka ah.
Isla Sh/hoose, ciidamada Mujaahidiintu waxay weerar ku mireen saldhigga Kufaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Yugaandha kaga suganyihiin deegaanka Golweyn ee hoostaga magaalada Buulo-mareer.