Ciidanka dowladda Saliibiyadda Maraykanka ee duullaanka macatab-ku-dirirka ah ku jooga dalka Soomaaliya ayay wararku tibaaxayaan in gebi ahaanba ay isaga baxeen saldhigga Ballidoogle ee wilaayada islaamiga Shabeellaha hoose.
Cameron Hudson oo ah falanqeeye amni, horeyna ula soo shaqeeyey CIA-da, Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay bartiisa Twitter-ka ku baahiyey warbixin sheegaysa bixitaanka ciidamada Maraykanka ee Balli-doogle.
Warbixinta oo soo xigatay ilo-wareedyo ay ku tilmaantay kuwo xog’ogaal ah ayaa sheegtay, in ciidamadii Maraykanka ee ku sugnaa saldhigga Ballidoogle, ay maalmo ka hor isaga baxeen halkaasi.
Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray in haatan saldhiggaasi ay ku sugan yihiin isla markaana gacan-ku-heyntiisa ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee qaybta ka ah hawl-galka AUSSOM iyo maleeshiyaadka kooxda riddada Soomaaliya.
Warbaahin maxalli ah oo kusoo baxda afka qalaad ee Ingiriisida ayaa sheegtay in ay ogaatay in dowladda Maraykanku ay qandaraas la gashay shirkado saadka qaabilsan si qalabkii cuslaa ee AFRICOM ka yaallay saldhigga Balli-doogle loogu daad-gureeyo magaalada Berbera.
Sidoo kale xogtu waxay tibaaxaysaa, in ciidamada Maraykanku ay gubeen gaadiid millatari oo iyagu ay isticmaali jiree, kadib markii ay saldhigga ka baxayeen. Tallaabadan ayay dad badani ku tilmaameen mid muujinaysa bixitaan degdeg ah oo soo wajahay taliska AFRICOM.
Falanqeeye Cameron Hudsan oo sidoo kalena lasoo shaqeeyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Maraykanka ee saldhigga Balli-doogle uu kusoo aadayo xilli ay isbedelayso xaaladda amni ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Isniintii lasoo dhaafay ayay ahayd markii in ka badan 800 oo askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka riddada ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar cag-marin ah oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen deggaan aan ka fogayn saldhigga Ballidoogle oo dhaca duleedka magaalada Leego.