Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sii xoojisay damaceeda gurracan ee bad-raadiska ah, iyadoo markii ugu horreysay qabatay kulan looga hadlayay wax lagu sheegay amniga Badda oo ay ka qaby-galeen maamullada gaallo-raacyada ah ee Somaliland iyo Puntland.
Taliye ay Itoobiya u magacowday wax ay ku sheegtay ciidamada Badda, ayaa ka dhawaajiyey in dalkiisu uu si isa soo taraysa isugu muujinayo inuu yahay lammaane awood u leh inuu ka qayb qaato wadatashiyada la xiriira arrimaha badda ee heer gobol.
Sida uu baahiyey warfidiyeenka laga leeyahay Itoobiya ee Fana Media Corporation, hadalkan ayuu taliye-ku-sheegga ciidanka Baddu ka jeediyey madashan looga hadlayay arrimaha badda oo uu soo qaban-qaabiyey Taliska Guud ee waxa loogu yeero Ciidanka Badda Itoobiya.
Saraakiil dhinaca Badda ah oo ka kala socday maamullada ashahaado-la-dirirka Puntland iyo Somaliland ayaa ka qayb-galay kulankaasi, halka sidoo kalena madasha ay joogeen saraakiil kale oo ka kala socotay dalalka Cumaan, Yemen iyo Jabuuti.
Sarkaalka Itoobiyaanka ah ayaa si cad u sheegay in kulankani uu Itoobiya u abuuray fursad ay ku sii xoojiso xiriirka iyo wada-hadallada ay la leedahay dalalka gobolka, gaar ahaan dadaallada ay ugu jirto sidii ay ku heli lahayd marin ay badda ku gaarto.
Waxa kale oo taliyuhu uu carrabka ku adkeeyey in uusan jirin dal keligiis awoodi kara inuu wax ka qabto caqabadaha sii kordhaya ee amniga badda, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay iskaashi dhex mara dalalka deriska ah.
Qorsheyaasha uu taliyahani ka sanqariyey ayaa qayb ka ah ajandeyaasha ay dowladda Xabashida Itoobiya doonayso inay ku hirgeliso damaceeda badeed, iyadoo marka hore ku dedaalaysa sidii ay galaan-gal ugu yeelan lahayd xeebaha Soomaaliya.
Horraanta 2024-kii ayay ahayd ayay markii R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu madaxii hore ee maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland ka saxiixday heshiis xaaraan ah oo uu doonayay inuu ku qaato qaybo ka mida xeebaha waqooyi galbeed Soomaaliya.