Inta la hubiyay ugu yaraan lix qof ayaa dhintay, halka tiro kalena ay dhaawacmeen ka dib markii ay shil baabuur galeen gaadiid marayay waddada dheer ee xiriirisa Nakuru iyo Eldoret.
Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Koriomat, kaasi oo ka tirsan ismaamulka Uasin Gishu ee dalka Kenya, waxaana halkaas isugu dhacay ilaa saddex gaari oo waddadaasi ku socdaalayay.
Booliska Kenya oo dhacdada ka warbixinayay ayaa sheegay in mid ka mid ah gaadiidkaa isku dhacay oo nooca amuulka ah kana yimid Nakuru kuna jeeday Eldoret uu darawalkiisa isku dayay inuu ka leexdo gaari kale oo wadada kaga horreeyay, waxayna taaasi keentay inuu ku dhaco gaari nooca Saksiid ah ka hor inta uusan ku dhicin gaari kale oo nooca matatu-ga loo yaqaan oo ay saarnaayeen 10 qof oo rakaab ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in darawalkii gaariga matatu-ga oo magaciisa lagu sheegay Shabaan Xassan Wanga iyo 5 haween ah oo rakaab ahaa ay isla goobta ku geeriyoodeen.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in rakaab kale ku dhaawacmeen shilka, kuwaas oo loola cararay isbitaallo kala duwan oo ku yaalla ismaamulka Uasin Gishu, halka meydadka lixda qof na la geeyay qolka meydadka la dhigo ee cisbitaal magaciisa lagu soo gaaabiyay (MTRH).