Ciidanka gumeystaha Yahuudda, waxay weli sii wadaan beegsiga ka dhanka ah dadka muslimiinta ah ee reer Gaza, iyadoo maanta ay marinkaasi dil iyo dhaawac ugu gaysteen ku dhawaad 10 qof oo rayid ah.
Maamulka cisbitaalka Naasir, ayaa sheegay in ugu yaraan shan Falastiiniyiin ah ay dhinteen, halka kuwo kalena ay dhaawacmeen, kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn ee (Drone-ka) oo Yahuudda ku weerartay mandiqadda Al-Mawaasi ee dhacda galbeedka magaalada Khan Younis ee koonfurta Gaza.
Dhanka kale, maamulka Cisbitaalka Al-Shifaa ayaa sheegay in ugu yaraan 3 qof oo Falastiiniyiin ah, oo uu ku jiro ilmo yar, ay ku shahiideen duqeyn ay diyaarad Drone ah oo Yahuuddu leedahay ka geysatay xaafadda Al-Rimaal ee kutaal galbeedka magaalada Gaza.
Sidoo kale kooxaha gurmadka degdegga ah iyo ambalaasyada ayaa war ay soo saareen sheegay in dad rayid ah ay ku dhaawacmeen rasaas culus oo ay ciidamada gumeystuhu ku fureen meel ka baxsan goobaha ay maamulaan oo ka tirsan mandiqadda Jabaliya Al-Balad ee dhacda waqooyiga Marinka Gaza.
