Dowladda Suudaan, ayaa dalal dhowr ah oo uu ku jiro maamulka Puntland ee ka arrimiya waqooyi Bari dalka Soomaaliya ku eedeysay in ay qeyb ka yihiin colaadda ka aloosan dalkaasi, garab iyo gaashaanna u yihiin fallaagada RSF ee uu Imaaraadku taageero.
Kaaliyaha Taliyaha-guud ee ciidanka Suudaan, ninka lagu magacaabo Yaasir Al-Cadhaa oo la hadlayay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidankiisa, ayaa xusay in ay la dagallamayaan murtazaqo caalami ah oo la isaga kala keenay dalal dhowr ah.
Dalalka calooshood-ushaqeysteyaaasha laga kala keenay ayuu ku sheegay in ay ka mid yihiin Chad, Liibiya, Niger, galbeedka Afrika, Koonfurta Suudaan, Itoobiya Colombia iyo waqooyiga Soomaaliya oo uu carrab dhabay maamulka Puntland.
Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zaayid, ayuuna dusha ka saaray masuuliyadda colaadda ka taagan Suudaan, maadaama uu si cad taageero fallaagada RSF maalgeliyana murtazaqadaasi.