72-dii saac ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Baydhabo ka goostay askar,saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsanaa maamulka taabacsan kooxda Riddada Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Aadan Madoobe.
Magaalada Buurhakaba waxaa iska dhiibay Isxaaq Xasan Maxamuud oo ahaa agaasimaha wasaaradda Awqaafta iyo ciidamo uu wato.
Sarkaalkan ka goostay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu go’aansaday ka tegidda maamulka Aadan Madoobe isagoo eedayn ujeediyay kooxda Riddada Soomaaliya.
Isla magaalada Baydhabo sarkaal watay afartameeyo askari ayaa ugoostay dhanka deegaanka Awdiinlle, sarkaalkan ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna ka shanqariyay in duruufo adag ay wajahayaan maleeshiyaadka kooxda Riddada ee ku sugan Baydhabo.
Baxsadka ay sameynayaan maleeshiyaadkan katirsan kooxda Riddada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Aadan madoobe ay gacantiisa ka baxeen 4 kamid ah degmooyinka ugu muhiimsan gobolka Baay waxaana ku haray oo kaliya magaalada Baydhabo.