Wararka ka imanaya koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya qarax culus oo ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo maanta ka dhacay wilaayada Shabeellada hoose.
Qaraxan ayaa lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada kuffaarta Uganda oo marayay deggaanka Roobow ee duleedka degmada Baraawe.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in gebi ahaanba uu goobtaasi ku basbeellay gaari Taw ah oo qaraxu haleelay, halka askartii saarnayd-na ay dhammaantood halaagsameen.
Geesta kale, faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay qaraxyo iyo weerar jid-gal ah oo shalay lagu weeraray kolonyo ciidamo Yugaandhees ah oo marayay deegaanka Marin-Gubaay ee duleedka Buulo Mareer.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, weerarkaasi shalay waxaa ku dhintay ugu yaraan 11 askari oo Ugaandhees ah, halka 18 kalena ay ku dhaawacmeen.
Intaas waxa dheer oo xogtu ay xaqiijisay, in weerarkaasi ay ku basbeelleen laba gaari oo noocyadoodu yihii Taaw iyo sidoo kale gaari xamuul ah.