Dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta, ayaa sare uqaaday in awoodeeda melleteri ay ku fidiso qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya, iyadoo xoojinayso heshiisyada iskaashiga ah ee kala dhaxeeya qaar kamid ah maamullada ashahaadda ladirirada ah ee dalka kajira.
Warbixin cusub oo uu faafiyay wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka, ayaa daaha ka feydday dhismayaal melleteri oo uu Imaaraadku ka bilaabay magaalada Berbera ee gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya oo uu ka arrimiyo maamulka isku magacaabay Somaliland.
Warbixinta wargeyska oo lagu laray sawirro khariirada ah ayaa muujinaysa dhisamayaal cusub oo laga yagleelay magaalada xeebta leh ee Berbera, waxaana laga dheehan karaa dhismayaal melleteri iyo kuwa Madani ah oo ay adeegsan doonaan shaqaalaha Imaaraatka ee ka howlgala dekadda iyo madaarka caalamiga ah ee magaalada.
Sidoo kale wargeyska ayaa warbixintiisa ku dhidbay in dhismayaal kale oo cusub uu Imaaraatku ka bilaabay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo larumeysanyahay in ay kuyaallaan saldhigyo zaadka iyo dagaalyahannada loo marsiiyo maleeshiyaadka janjawiidka ee ka dagaallama wadanka Suudaan.
Wargeyska New York Times, wuxuu tibaaxay in isballaarinta melleeteri ee Imaaraatka ay taabanayso aagag muhiim ah oo halbowlayaal u ah marinnada caalamiga ah, sida badda cas iyo khaliijka Cadan, warbixintu waxay leedahay tani waxay taabanaysaa siyaasadada wadanka Soomaaliya, balse xukuumadda Abu Dubai waxay cuksanaysaa heshiisyo dhaqaale iyo kuwa iskaashi amni ah oo ay lagashay maamullada ka jira gobollada waqooyi galbeed iyo waqooyi Bari Soomaaliya.