Howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabaab shalay gelinkii dambe ka fuliyeen xaafadda Kookakoola ee degmada Yaaqshiid ayaa waxay ku khaarijiyeen sarkaal murtad ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xakiin Cali Xalane.
Howlgalka murtadkan lagu khaarajiyay ayaa lagu ghaniimaystay bastoolad uu watay, waxaa xusid mudan in murtadkaan oo labo-xidigle ahaa, kana tirsanaa sirdoonka Riddada, ayey mujaahidiintu in muddo ah ku raad joogeen.
Waxaa murtadkan loo heystay in uu qayb ka ahaa fal dil ah oo sannadkii 2016 ka dhacay degmada Ceel-Garas ee wilaayada islaamiga ah ee Galguduud.