Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay maanta weerar kamiin ah u dhigeen kolonyo maleeshiyo murtadiin ah oo ka baxay saldhigga Ballidioogle, waxaana uu weerarkan jidgalka ah si gaar ah uga dhacay duleedka deegaanka Yaaq-bariweyne ee Sh/hoose.
Idaacadda islaamiga Al-andalus oo soo xiganaysa saraakiisha ciidanka Mujaahidiinta ee meydaanka ku sugan, ayaa waxay baahisay in weerarka kamiinka ah lagu jebiyay kolonyada maleeshiyaadka murtadiinta ah.
Weerarkan kamiinka ah ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray maleeshiyada la beegsaday, waxayna ciidamada Mujaahidiintu soo qaniimeysteen laba gaari oo Cabdibile ah.