Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyay in saaka lagu toogtay weerar ka dhacay xaafad lagu magacaabo Logan Circle oo kutaal magaalada Washington ee caasimadda dalka Mareykanka, qiyaastiina hal mayl u jirta Aqalka Cad ee looga arrimiyo dadka Amerikanka ah.
Booliiska ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay rasaas ka dhacaysay goobo kala duwan oo ka tisran isla xaafaddan, waxay intaas ku dareen in qofka ka dambeeyay weerarka aan gacanta lagu soo dhigin
Ilo wareedyo gudaha ah ayaa sheegay in goobta uu weerarku ka dhacay ay isku gedaameen ciidamo ka tirsan Booliiska, waddooyin badan ayaa la xiray, xarumo dhowr ah oo waxbarashana xayiraad amni ayaa la saaray.
Goobjooge lagu magacaabo Ryan Dubicki, ayaa sheegay in isagoo gurigiisa ku sugan uu maqlay ku dhowaad dhawaqa shan xabbadood oo rasaas ah, ka dibna uu daaqadda gurigiisa ka arkay ciidamo Booliis ah oo aad u tiro badan oo xaafadda ku sugan.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka (AP), weerarku wuxuu si gaar ah uga dhacay xaafad xasaasi ah oo qiyaastii 1.6 km dhanka waqooyi ka xigta Aqalka Cad, xaafaddan ayaa ah meel ay ku yaallaan guryo la deggan yahay, goobo ganacsi iyo xarumo kale, waana aag mashquul badan.