
Bannaanbax aad u ballaaran oo looga soo hor-jeedo kooxda riddada ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qabsoomay bartamaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Mudaharaadkan oo ay kasoo qayb-galeen kumanaan qof oo shacab ah ayaa waxaa khamiistii lasoo dhaafay si rasmi ah u iclaamiyey Ugaaska guud ee beesha Xawaadle, kaas oo hormuud u ah kacdoonkan ka bilowday magaalada Baladweyne.
Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa qayb ka ahaa mudaharaadkan, kaas oo si weyn loogu muujiyey sida guud ahaan bulshadu ugu heellan tahay ka qayb-qaadashada kacdoonkan ka dhanka ah dulmiga iyo duullaanka Gurguurte.
Ugaas Yuusuf oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay bannaanabaxan maanta gilgilay magaalada Baladweyne, ayaa shaaca ka qaaday in kacdoonkani uu soconayo ilaa inta laga badbaadinayo bulshada gobolka Hiiraan iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Dhawaan ayay ahayd markii markii Ugaaska beesha Xawaadle uu guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ugu baaqay inay qoriga qaataan kana dhiidhiyeen dulmiga iyo duullaanka uu uu wado Xasan Sheekh Maxamuud.
Usbuucyadii u dambeeyey waxaa si xawliya uga soo insixaabayay sufuufta kooxda riddada, mas’uuliyiin iyo maleeshiyaad aad u fara badan, kuwaas oo soo ajiibay baaqa Ugaaska, isla markaana ballan ku qaaday in qayb ay ka noqonayaan kacdoonka Baladweyne.