Dilalka Soomaalida loogu geysanayo dhulka NFD ee Kenya gumeysato iyo magaalooyinka kale ee dalkaasi ayaa aad usii kordhay, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay gobolka Gaarissa oo kaliya lagu dilay ku dhawaad 10 qof oo Soomaali ah oo ay ku jiraan waayeel iyo caruur.
Mid ka mid ah dhacdooyinkaas ayaa laga soo tebiyay tuulo lagu magacaabo Janju, waxaana halkaas lagu dilay 4 qof oo ay ku jiraan oday 60 jir ah, cunug 14 maalmood dhalan iyo hooyadii oo Soomaali ah.
Kooxo hubeysan oo qowmiyadaha Kenya ah oo inta badan dhac iyo dilal ka gaysta gobolkaasi ayaa loo badinayaa inay ka dambeeyaan weerarkan, waxay sidoo kle kooxaha dhaceen xoolo tiro beel ah oo Ari u badan.
Sida ilo wareedyo gudaha ah sheegeen weerarkan ayaa dhacay habeenkii xalay, sidoo kale weerar labaad ayaa lagu beegsaday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan tuulo lagu magacaabo Ceeldheere.
Weerarkan oo isagana dhacay shalay ayaa lagu dilay shan nin oo Soomaali ah, waxaana dilkooda lala xiriiriyay qowmiyadaha Kenyaanka ah, sidoo kale waxay dableydu halkaas ka kaxeysteen xoolo badan oo Lo’ iyo Ari isugu jira.
Saddex maalmood ka hor ayay ahayd markii koox tuugo ah nin Soomaali ah ku dileen goob ganacsi oo uu kulahaa deegaan lagu magacaabo Awasi, oo u dhow Kisumu, waxayna ilo wareedyadu sheegeen in kooxda burcadda ah ay ninkan ugu galeen dukaankiisa, madaxana kala dhaceen bud ama bir ay ku hubeysnaayeen, kadibna waxay halkaas ka qaateen lacagtii goobta ganacsi tiillay sida ay ilo maxalli ah xaqiijiyeen.