Ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar ku qaadeen isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta ah u tiillay afaafka hore ee deegaanka Danow ee wilaayada Sh/hoose, waxaana weerarkaas lagu dilay 1 askari oo murtad ah, halka sidoo kalena lagu soo qaniimeystay hal mooto.
Sidoo kale, qarax ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Ceelasha-biyaha ee dhaca duleedka Muqdisho ayaa lala eegtay fariisin maleeshiyaatka Riddada ah ay ku sugnaayeen, waxaana ku dhaawacmay 1 askari oo murtad ah, kaasi oo lagu magacaabo Cabdifitaax, wuxuuna ka tirsan yahay maleeshiyaadka sirdoonka Riddada.
Ciidamada Mujaahidiintu waxay sidoo kale howlgal qorsheysan ka fuliyeen afaafka hore deegaanka Danow. waxaaney ku beegsadeen ciidamo ka tirsan Kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Yugaandha.
Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay 3 askari oo Yugaandhees ah, sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxay agagaarka deegaanka Marin-gubaay qarax kula beegsadeen kolanyo ciidamo saliibiyiin Yugaandhees ah.
Qaraxa ayaa haleelay gaari Taangi ah waxyeello ayaana gaartay, sidoo kale ciidamada Kufaarta Uganda qaraxaas khasaare nafeed ayaa lagu gaarsiiyay weerarkaasi.
Isla Sh/hoose, waxay ciidamada Mujaahidiintu weerar abaabuln ku mireen fariisin maleeshiyaadka murtadiinta ku leeyihiin xaafadda Haanta-dheer ee degmada Afgooye.