Waxaa cirka iskusii shareeray khilaafka udhaxeeya kooxda Riddada Soomaaliya iyo dowladda dabadhilifka Imaaraadka Carabta.
Kulan ay magaalada Muqdisho kuyeesheen golaha wasiirrada kooxda ayay kusheegeen in xiriirka loo jaray dowladda Imaaraatka Carabta.
warsaxaafadeed uu soo saaray Xamza Cabdi Barre madaxa xukuumadda Riddada ayaa lagu shaaciyay in Muqdisho laga ceyriyay safiirka Imaaraatka carabta islamarkaana loo yeeray safiirkii kooxda Riddada Soomaaliya ufadhiyay magaalada Abuu dubai.
Balse sida xoguhu sheegayaan majiro safiir imaaraatka ka jooga Muqdisho wuxuuna dalka isaga baxay horraantii sanadkan 2026-ka, sidaas si lamid ah safiirka kooxda riddada ee dalka Imaaraatka ufadhiya ayaa la sheegay in uu xaalado caafimaad ugu maqanyahay wadanka Mareykanka.
Wuxuu go’aankan safiir ceyrinta iyo safiir uyeeridda uu yahay mid ismuujin siyaasadeed ah iyo iclaamin in xiriirka lakala jartay.