Xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta waxay ka gudubtay khilaaf diblomaasiyadeed oo ku saabsan dekedaha iyo iskaashiga amniga, waxayna isu beddeshay loollan siyaasadeed iyo istaraatiiji ah oo ay ku tartamayaan quwado goboleed iyo kuwo caalami ah kuwaas oo doonaya in ay saameyn ku yeeshaan Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa lagu sheegay in go’aannada kasoo baxay xukuumadda Xasan Gurguurte aysan iyaga wax saameyn ah ku laheyn islamarkaana heshiisyada dhanka dekadaha iyo iskaashiga ah ee kala dhaxeeyo dowladda Imaaraatka ay umadax banaanyihiin.
Maamulka fadhiisu yahay Hargeysa ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday Xasan Gurguurte waxayna ku tilmaameen siyaasi ku fashilmay maareynta khilaafka kala dhaxeeya kooxaha mucaaradka ah.