Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay qaadeen weeraro toos ah oo habeen-dheelmad ah, kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu beegsaday ciidamada kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyada murtadiinta ee ku sugan gobollada Mudug iyo Sh/hoose ee koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya iyo dhulka NFD ee ku hoos-jira gumeysiga Kenya.
Weerarka koowaad oo ahaa dagaal toos waxay ciidamada Mujaahidiintu ku mireen fariisimaha maleeshiyaadka murtadiinta kuleeyihiin degmada Xarardheere ee wilaayada Mudug, waxaana lasoo wariyay inay jiraan khasaare murtadiinta kasoo gaaray weerarkaasi.
Sh/hoose, Ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar toos ah ku qaadeen fariisimaha maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihiin buundooyinka Jannaale iyo Sabiid ee wilaayada Sh/hoose.
Weerarka saddexaad, waxay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen gobolka Mandheera ee ku hoos-jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxaana lagu beegsaday xerada ciidamada Kuffaarta Kenya ee deegaanka Ceel-raamo ee hoostaga degmada Ceelqaalow ee gobolkaasi Mandheera.
Dhanka Gaarissa, ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta howlgal ka fuliyeen afaafka hore ee xerada ciidamada kuffaarta Kenya ee degmada Ijaara ee gobolka Gaarissa ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxaana weerarkan lagu dilay 1 askari oo Kenyaati ah.
Isla Gaarissa, Ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidanka kufaarta Kenya ee deegaanka Yunbis ee hoostaga degmada Faafi ee gobalka Gaarisa ee ku hoos jira gumeysiga Saliibiyadda Kenya.