Maamul goboleedka Ashahaada la dirirka ee Puntland, ayaa amar ku bixiyay in dhul beereed kuyaal magaalada Garoowe laga saaro dadkii beeranayay, taas oo walaac iyo rajo beel ku riday beerallay badan oo ay qoysaskoodu ku tiirsanaayeen wax soo saarka dhulkooda.
Amarkan oo kasoo baxay maamulka Riddada ee Siciid Deni ugu magacaaban magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, ayaa beerralayda wuxuu ku wargeliyay inay agabyadooda ka gurtaan dhulkooda, halka kuwa qaarna cagaf la geliyay sida ay sheegeen beerralayda oo hadda wajahaya xaalado dhaqaale xumo.
Maamulkan Ashahaada la dirirka ah ayaa tallaabada uu qaaday kusoo beegay xilli ay dadku isku diyaarinayeen inay ka faa’ideystaan raxmada roobka, maadaama oo gobolkan uu ka mid yahay goobaha aysan roobabku inta badan ka di’in.
Beerralaydu waxay sheegeen in loo sheegay in dhulka ay beerteen lagu dari doono garoonka diyaaradaha ee Garoowe, wallow hore uu maamulkaasi u sameeyay ballaarin dhanka garoonka ah, beerallaydana laga qaaday dhul, kuwa haray oo hadda cagafta la geliyay na loo sheegay in dhulkoodu sharci yahay.
Cabdikhadar waa mid ka mid ah beerallayda, wuxuu sheegay in beertiisa oo oo ka kooban 3 hikter kuna tacban jiray raashin iyo khudaar ay arintan kusoo beegantay xilli uu isku diyaarinayay ka faa’ideysiga raxmadda alle ee roobka, beertiisana uu usoo deynsaday abuur ku kacaya $300, wuxuuna yiri. “Beer yar ayaan lahaa, cagaf ayaan marsiiyay, Shan iyo toban sano ayaan iyada iyo neefaf lo’ iyo ari ah ku quudin jiray ciyaalkayga iyo reerkayga. Maanta waxba uma hayo. Meel wax laga soo qaado iyo meel wax laga soo amaahdo ma jirto. Umaddii wax la’aan ayaa ku dhacday. Qof walba xooggiisuu haystay waa ku dhegay.”
Faarax Cilmi Yuusuf oo ka mid ah beerralayda ay saameysay tallaabada Deni kuna waayay beer 2 hikter ah oo uu beeranayay 19 sano, ayuu sheegay in ay beertan u ahayd isha keliya ee uu ka maareynayay nolashiisa qoysaskiisa oo saddex ka kooban iyo waalidkiisa.
“Beertayda afar qoys baa ku tiirsanaa, xoolaha xitaa waxay ku tiirsanaayeen beerta oo halkaas ayaa cowska looga gurayay. Sidii aan wax u heli jiray iyo sidii ay wax iigu fududaayeen haatan uma helo. Ilmihii waxbarashada waa laga soo wada cayriyay. Meel kale oo aan wax uga soo saaro ma jirto.” Ayuu yiri Faarax Cilmi.
Mar uu Faarax ka hadlayay sida uu go’aanka maamulka Riddada Siciid Deni u saameeyay ayuu yiri “Dhulkaan waa dhul aan beeran jirnay. Waa dhowayd dowladdaa noo timid. Waxay nagu dhahday, dhulkaan waa Airport, halkaasi saamayn bay igu yeelatay. Wixii aan is lahaa ceelka ku kacso oo wax ku qabso dowladdii ayaa dhahday waa airport. Dhulkaan waa dhul dooxooyin iyo tog ah.”
Wuxuu tilmaamay in sannadkan uu beertiisa geliyay lacago badan, isaga oo qoday ceel gacmeed uu rabay in uu beerta ku waraabiyo, sidoo kalena uu ku keydsado biyaha si haddii roob yari dhacdo beertiisa u saameyn, balse waxaa hamigii iyo rajadii uu lahaa Faarax hal bacaad lagu lisay ka dhigay maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland, wuxuuna sidaas ku khasaaray oo uu ku waayay mashruuc uu ku kharashgareeyay lacag dhan shan kun oo Dollar oo uu sheegay in uu ka helay qaraabadiisa iyo agabyo kale oo dheeraad ah oo ka baxsan lacagtaasi.
Maamullada Ashahaada la dirirka ee ay reer galbeedka saliibiyiinta ah dalka ka dhisteen, ayaa si weyn ula dagaallama wax soo saarka dalka, waxayna ku dedaalaan sidii ay u niyad jebin lahaayeen beerralayda, ujeedka ugu weyn ee arrintan laga leeyahay na waxay tahay inaysan dadku noqon kuwa isku filan oo quudkooda dhulkooda iyo gacantooda kusoo saarta, ugu dambeynna lagu qasbo inay kaamamka buuxdhaafiyaan, una gacmo hoorsadaan cadowgooda.
Balse bulshada ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ah waa kuwa kaliya ee maanta ka badbaaday aafadan, waxayna haystaan maamullo islaami ah oo ku dhiirageliya wax soo saarka dhulkooda, kana gacan-siiya sidii ay bulshadu u noqon lahayd mid isku filan, kan wax heystana uu caawiyo kan liita.