Xamze Cabdi Barre oo ah R/wasaaraha xukuumadda Riddada Soomaaliya ayaa goob fagaare ah ka sheegay in dowladda Imaaraatka ay noqotay buqcad lagasoo abaabulo mucaaradka diiddan Xasan Sheekh islamarkaana arrinku uu hadda ka gudbay taageero siyaasadeed uuna isku bedelay dhismaha jabhado hubeysan kuwaas oo doonaya in ay xukunka xoog kula wareegaan.
Madaxa xukuumadda Riddada ayaa eedeymaha culus ee uu ujeediyay dowladda Imaaraat-ka wuxuu lameel dhigay wax lamid ah colaadda Suudaan.
Khilaafka udhaxeeya kooxda Riddada Soomaaliya iyo dowladda Imaaraatka Carabta ayaa meeshii ugu sarraysay gaaray, halka dhinaca kale dowladda Ridda Turkiga ay sare usii qaadday duullaanka ay kusoo qaadday dalka soomaaliya waxaana lagu wareejiyay dhulka qabuurihii iskoola boliisiyo.