Howlgal qarax ah oo Mujaahidiintu ka fuliyeen inta dhaxeeysa deegaanada Balli-khadar iyo Sugurre ee duleedka magaalada Boosaaso ayaa lala eegtay maleeshiyaad ka tirsan Riddada Puntland, waxaana ku dhaawacmay 2 murtadiin ah oo mid kamid ah uu yahay sarkaal miinabaare ah.
Sidoo kale Ciidamada Mujaahidiinta, ayaa galabta weerar kamiin ah u dhigay maleeshiyaad ka tirsan maamulka Riddada ee Puntland, kuwaasi oo marayey duleedka Galgala, waxaana jira khasaare gaaray maleeshiyadaasi.
Dhanka Sh/hoose, Qarax Mujaahidiinta ay ka fuliyeen deegaanka Buulamareer, ayaa lala eegtay ciidamo Africaan Yugandhees ah oo lugeynayey, waxaana ku dhintay 3 askari, waxaana ku dhaawacmay 8 kale.
Sidoo kale, Ciidamada Mujaahidiintu waxey kolanyo Kufaarta Afrikaanta ah qarax kula beegsadeen inta u dhaxeysa Buulo mareer iyo deegaanka Golweyn, gubashadu waa gaari Taw ah, halka sidoo kalena askar Yugandheys ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxaasi.
Isla Sh/hoose, ciidamada Mujaahidiintu waxey duleedka deegaanka Bilidoogle 3 qarax kula beegsadeen kolanyo Murtadiin ah.
Weerarkan waxaa lagu dilay 4 murtad, halka lagu dhaawacay 3 murtad oo kale, halka lagu gubay gaari Cabdi bile ah.
Dhanka kale, faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa weerarkii ciidamadaa Mujaahidiintu ku qaadeenmaleeshiyaadka murtadiinta ee dhaq-dhaqaaqyada kawaday deegaan lagu magacaabo (Geel-kudha) oo hoostagta degmada Matabaan ee Hiiraan.
Weerarkaasi ayaa lagu dilay 5 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay 10 kale. Wuxuuna weerarkaani kusoo aadaya xilli dhawaan Mujaahidiinta ay dagaal kula wareegeen deegaanka Coomaad ee hoostagta Matabaan.