Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Hiiraan, waxay maanta oo Isniin ah weerar ku qaadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo dhaq-dhaqaaqyo kawaday deegaan lagu magacaabo (Geel-kudha) oo hoostagta degmada Matabaan ee Hiiraan.
Weerarkaasi ayaa la xaqiijiyay lagu dilay ugu yaraan 4 askari oo murtadiin ah, halka sidoo kalena lagu dhaawacay 3 murtad oo kale.
Weerarkan askarta looga dilay maleeshiyada Riddada, ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ciidanka Mujaahidiinta ay dagaal kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Coomaad ee hoostagta degmada Matabaan.