Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xooggan oo habeen hore lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye ay uga suganyihiin dalka Soomaaliya.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in duqeynta lagu qaaday xerada Xalane ay ku gubteen illaa sedax gaari oo ay laheyd Q.Midoobay kuwaas oo dhax yiillay saldhigga Xalane.
Gaadiidka ku gubtay duqeynta ayaa ahaa kuwa sahayda udaad gureeya garoonka diyaaradaha Melleteriga Balidoogle ee Sh/Hoose halkaas oo ay ku suganyihiin askar iyo saraakiil American ah.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu qaaday xerada Xalane oo ay kuyaalaan xarumaha shirkadaha ammaanka iyo safaaradaha dowladaha reergalbeedka ee kaabaya duullaanka lagusoo qaaday Soomaaliya.