Wararka ka imaanaya Wilaayada Jubbooyinka waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah Wilaayadaas uu ka dhacay weerar qorsheysan kaasi oo faahfaahin laga helayo.
Ciidamada Mujaahidiinta waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka Ridada Jubbo land kuwaasi oo galbinayay gudoomiyaha Murtadiinta ugu magacaaban deegaanka Qooqaani.
Kolanyada gudoomiyaha la socday ayaa ka baxay degmada Afmadow waxeyna kusii jeedeen dhanka Qooqaani, Waxa uu weerarkan sababay khasaara kala duwan.
Gudoomiyaha maamulka Ridada Jubbo land ugu magacaaban deegaanka Qooqaani ayaa si dirqi ah kaga badbaaday isku daygan la doonayay in lagu dila.
Inta la xaqiijiyay ciidamada Mujaahidiinta waxey kamiinkan ku gubeen hal gaari waxeyna ku dileen hal askari Labo kalane weey ku dhaawaceen.
Kamiinkan ayaa kusoo aadaya xilli hal askari oo ka tirsan maleeshiyaatka kooxda Ridada uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay degmada Qansaxdheere ee Wilaayada Baay iyo Bakool.
Calamada.com