Weeraro safballaaran ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta iyo waqooyi bari dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu beegsaday saldhig ay ciidamada maamulka ‘Puntland’ ku leeyihiin degaanka Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa dhowr madfac lahelay saldhigga Galgala oo xilligaas ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil katirsan ciidamada ‘Puntland’ dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo ka dhashay madaafiicda.
Weeraro kale ayaa xalay ka dhacay degmooyinka Janaale iyo Awdheegle oo kawada tirsan Sh/Hoose, xoogaga Al Shabaab ayaa wadada ugalay ciidamo katirsan AMISOM oo ka amba baxay degmada Janaale.
Sidoo kale qarax ayaa lagu beegsaday ciidamada maamulka ‘Koonfur Galbeed’ ee ku sugan magaalada Qansaxdheere, ugu yaraan hal askari ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay qaraxa.
Dhinaca kale weerar xooggan ayuu lakulmay saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, xalay saqdii dhexe ayaa lamaqlayay rasaas xooggan oo laysku dhaafsanayay Baardheere balse lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.