Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa gudaha degmada Dharkeynleey ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka ee ay tababartay dowladda Turkiga.
Asad Cabdullaahi Xaaji oo katirsanaa saraakiisha ciidamada dowladda gaar ahaan Guutada Gorgor ee Turkigu tababaray ayay xoogag katirsan Al Shabaab ku dileen degmada Dharkeynleey sida ay sheegeen ilo wareedyo dhanka amniga ah.
Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli qarax ka dhacay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha lagu dilay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka kooxda Ridada Somalia.