Howlgal qorsheysan ayaa ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaaladan Muqdisho, Iyadoona warar dheeraad ah laga helayo.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa howlgalkan qorsheysan ku dilay Labo Xirigle Carab Budul, Waxey sidoo kale Mujaahidiinta dhaawaceen askari kale oo Murtadka la dilay la socday.
Mujaahidiinta howlgalkan fuliyay ayaa horay usii qaatay oo ganiimeystay hal qori, Murtadka la dilay iyo midka la dhaawacay ayaa ka tirsan kooxda Ridada gaar ahaan qeybta Lacagaha baada ah ka qaada bulshada ku dhaqan magaaladan Muqdisho.
Howlgalkan ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax lagu dilay Labo askari oo Ridada ah uu ka dhacay isla gudaha suuqa Bakaaraha.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.