Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • NEWYORK TIMES: Hanjabaadii Abuu Cubeyda Waxay Dib Noo Xusuusisay Usaama Bin Ladin.
  • Allposts
  • Warar

NEWYORK TIMES: Hanjabaadii Abuu Cubeyda Waxay Dib Noo Xusuusisay Usaama Bin Ladin.

March 23, 2020

Warbixintan oo ciwaan looga dhigay “ faraca Al-Qaacida ee Soomaaliya, wuxuu halis gelinayaa nolosha Ameerikaanka ee jooga bariga Africa iyo Maraykanka” ayaa Newyork Times waxay kaga hadleysaa awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dagaalanta bariga Africa.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil sar sare oo katirsan ciidamada kumaandooska ee Maraykanka, laamaha la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada iyo CIA-da Maraykanka ayaa sheegaya in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay noqotay awood caalami ah oo halis gelineysa nolosha dadka Ameerikaanka ah.

Saraakiisha la Hadley wargeyska Newyork Times waxay leeyihiin “faraca Al-Qaacida ee Soomaaliya oo ah Xarakada Al-Shabaab, waa ururka ugu weyn ee argagaxisada caalamiga ah, waana midka ugu firfircoon marka laga hadlayo fulinta howlgallada, waxayna Al-Shabaab horey usoo saareen handadaad ku socota dadka Ameerikaanka ah ee jooga bariga Africa iyo xitaa gudaha Maraykanka”.

Sida ay ku doodayaan saraakiisha la hadlay wargeyska, waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballaarisay awoodeeda, iyadoo dooneysa in dagaalka ay ka fogeyso Soomaaliya, Maraykanka ku beegsato meel weliba oo ay ku aragto.

Masuuliyiinta CIA-da Maraykanka waxay intaa ku dareen in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay qorshneyso fulinta weeraro loo adeegsado diyaaradaha la afduubto, kuwaas oo lamid ah weeraradii 11 Septembar oo afka ciida loogu daray Maraykanka, lana tusay waxay tahay awoodiisa.

Marka loo yimaado gudaha Soomaaliya, wuxuu wargeyska Newyork Times sheegayaa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay halis gelineyso diyaaradaha hellecopterka iyo kuwa kale ee isticmaalaya hawada Soomaaliya, taas oo keeni karta bay yiraahdeen dhimashada dad badan oo Maraykan ah.

Warbixintu waxay sidoo kale soo hadal qaaday silsiladda weerarada “ Qudus Lama Yahuudiyeynayo” ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab  ku qaaday saldhigyada ciidamada Maraykanka ee Bellidoogle iyo Manda Bay, kuwaas oo ay ku le’deen inkabadan 100 askari oo Maraykan iyo Kenyaati isuga jira.

“weerarkii Kenya wuxuu yimid labo bilood kadib, markii Xarakada Al-Shabaab ay baahisay muuqaal soconaya 52 daqiiqo, oo lagu soo bandhigay Amiirka Xarakada Abii Cubeyda Axmed Cumar oo ku baaqaya in Maraykanka lagu weeraro meel weliba oo lagu arko, isagoo oranaya “ Shacabka Maraykanka waa hadaf sharci ah oo la beegsan karo”. Waxaana fariinta Abuu Cubeyda ay dib inoo xusuusisay farriintuu Usaama bin Laadin uu soo diray sanadkii 1996-dii, taas oo uu ku iclaamiyay dagaal ka dhan ah Maraykanka” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska Newyork Times ee kasoo baxa wadanka Maraykanka.

Baariyaasha katirsan sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa sheegaya in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay halis amni ku tahay nolosha 3500 oo askari oo Maraykan ah, kuwaas oo degan saldhig ku yaala wadanka Jabuuti, iyo sidoo kale iney weeraro ka fuliso marin biyoodka Baabul Mandab ah oo marin istiraatiiji ah oo ay maraan maraakiibta ugu badan ee isaga kala gudubta Caalamka.

Warbixinta Newyork Times waxaa laga akhrisan karaa walaaca iyo cabsida ay la noolyihiin muwaadiniinta Ameerikaanka ah iyo safaaradaha Maraykanka ee ku yaala bariga Africa, waxanaa bishii lasoo dhaafay safaaradda Maraykanak ee Kenya ay ka digtay weerar ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadi karto mid kamid ah hotellada ugu caansan dalkaas ee ay degaan dalxiisayaasha reer galbeedka ah.

Saraakiisha CIA-da ee la hadlay wargeyska, waxay sheegayaan in halista Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka imaan karo labo dhinac, waa mide Soomaalida kunool dalka Maraykanka oo ay dhici karto in qaarkood ay qaadaan weeraro khasaare dhaliya, iyo dhank kale oo ah in dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee aqoonta u leh duulinta diyaaradaha ay usoo dusaan Maraykanka, oo ay fuliyaan weeraro lamid ah kuwii 11 Septembar oo loo adeegsaday diyaarado la afduubtay.

Warbixintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Stephen Townsend oo waraysi siiyay warbaahinta Maraykanka si cad ugu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii xoogeysaneyso awoodeeda.

“Al Shabaab waxaa ay doonayaan inay weeraraan dadka Mareykanka meel walboo ay ka hellaan, xitaa gudaha Mareykanka. Ma garanayo inay leeyihiin awood ay hadda taasi ku samayn karaan, laakiin haddii aanu iska dhaafno hal daqiiqo, si dhakhso ah ayay u awoodi karaan in gudaha Mareykanka ay waxyeelo ka gaystaan.  Halista amni ee ka imaaneysa Al-Shabaab waa mid aad u sarreysa bilihii lasoo dhaafay, waana mid ka badan sideed bilood kahor xilligaas oo aan la wareegay hogaanka AFRICOM” ayuu yiri Townsend.

Xilli uu Maraykanku ka marqaati kacayo in awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii kordheyso, waxna aaney soo kordhin duqeymaha Drones ee ka dhacaya Wilaayaadka islaamiga ayaa khubarda ka faallooda Jamaacaadka JIhaadiga waxay sheegayaan in Al-Shabaab ay ku guuleysatay dagaalka ka dhanka ah Maraykanka iyo xulufadiisa, maadaama uu Maraykanka uga baqanayo in xitaa ay soo weerarto gudaha Maraykanka , isaba ka daaye wadamada bariga Africa.

Awooda keliya ee uu Maraykanku hadda u adeegsanayo dagaalka uu kula jiro Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waa duqeymaha diyaaradaha Drones, waxaana muuqaneysa in dagaalyahannada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka gaashaanteen arinkaas, Maraykankuna uu si indha la’aan ah u beegsanayo oo keliya dadka shacabka ah ee isaga kala gudbaya deegaannada lagu maamulo Shareecada Islaamka.

Maktakba Siyaasadda iyo Wilaayaadka islaamiga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa bayaan uu dhawaan soo saaray wuxuu baaq ugu diray guud ahaan muslimiinta Soomaaliya iyo bariga Africa, kaas oo ah iney fahmana siyaasadda Maraykanka oo dhigeysa inaan la kala soocin Mujaahid iyo qof shacab ah, maadaama dhamaantooda ay yihiin dad Muslimiin ah.

“Marka laga hadlo Muslimiinta ku nool Soomaaliya iyo guud ahaan bariga Africa, waxaa lama huraan ah iney dareemaan in siyaasadda arimaha dibadda ee Maraykanka, kuna qotanta Soomaaliya ay ka ballaarantahay dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waa dagaal ka dhan ah Islaamka iyo qof kasta oo muslim ah, ha hubeysnaado ama ha gacan marnaado, waxayna u arkaan inuu yahay hadaf sharci ah oo ay beegsan karaan Saliibiyiinta.

Sidaas darteed waxaan guud ahaan Muslimiinta ugu naseexeynaynaa, aragtiday doonaan hakala aaminsanaadaane, iney isgarab taagaan walaalahooda Muslimiinta ee wajahaya duulaan cadowtooyo oo ka dhan ah Islaamka, Muslimiintuna waa iney u midoobaan in Soomaaliya ay ka xoreeyaan gumeystaha Maraykanka” ayaa lagu yiri bayaanka maktabka Siyaasadda iyo Wilaayaadka islaamiga ee Xarakad Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Gabood fallada uu Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya waa ku dhirirsan laga soo billaabo horaantii sagaashamaadkii illaa iyo maanta, waxaana ay leedahay taariikh madow oo ku aadan xasuuq wadareedyo ka dhan ah dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda, oo ah amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kalimad uu horey u jeediyay, ciwaankeeduna ahaa “ Allaah mooye cid kale uma rukuuceyno” wuxuu kaga hadlay tacadiyaadka iyo gabood fallada dowladda Maraykanka ay ku heyso umadda Soomaaliyeed.

Marka loo kuur galo duqeymaha uu Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya, waxaa muuqaneysa in si ula kac ah uu u beegsanayo dadka Soomaaliyeed ee maatida ah, waxana dhacdooyinkii u dambeeyeyay ee diyaaradaha Maraykanku ku duqeeyeen dad shacab ah kamid ah duqeyn ka dhacday duleedka Jannaale, 15-kii bishan Rajab,  taas oo ay ku dhinteen ugu yaraan lix ruux, oo ay ku jireen labo nin oo waayeello ah iyo wiil yar oo dugsi Quraan ka dhgianayay deegaanka Ceelasha biyaha.

Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in Maraykanku aanu kala jecleyn Mujaahidiinta iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, maadaama umaddu ay iyadu dhashey wiilashaas dagaallamaya ee Mujaahidiinta ah, sidaas darteedna ay dadku la gudboontahay iney fadhiga ka kacaan, Maraykanka iyo xulafadiisana hal dhinac uga soo horjeesadaan.

Halkan ka dhagayso Warbixin-Newyork Times ay ka qortay Awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Qarax Askar Badan Lagu Dilay Oo Duleedka Jannaale Ka Dhacay.
Next: Saldhigyo La Duqeeyay Iyo Diyaarad Soo Caga Dhigatay Jannaale.

Related Stories

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Muuqaalka Maleeshiyo Lagu Weeraray Isbaaro U Tiillay Duleedka Diinsoor.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Maleeshiyo Lagu Weeraray Isbaaro U Tiillay Duleedka Diinsoor.

January 18, 2026
WAR SAXAAFADEED: “Weeraro Cagmarin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Warsheekh”.
  • Allposts
  • Warar

WAR SAXAAFADEED: “Weeraro Cagmarin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Warsheekh”.

January 18, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada