Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamo huwan ah uga suganyihiin deegaanka katirsan Sh/Hoose.
Wararka nagasoo gaaraya magaalada Jannaale ee gobolka Sh/Hoose ayaa ku warramaya in duqeyn culus saaka aroortii hore lagu qaaday saldhigyada ciidamada Shisheeyahaha AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ay ku leeyihiin deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in wax ka badan 40 madfac ay ku hoobteen gudaha saldhigyada ciidamada isbahaysanaya ee dhowaan qabsaday degmada Janaale, qiic iyo uuro madoow ayaa sheedda sare laga arkayay daqiiqado kadib markii ay soo idlaatay duqenta balse lama oga khasaaraha ka dhashay.
Dorraad ayay ahayd markii sidaan oo kale duqeymo gaaraya afartan madfac loogu beegsaday saldhigyada melleteri ee ciidamada huwanta ah ku leeyihii Janaale.