Wararka ka imaanaya deegaanada dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in qarax xooggan lala helay kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay deegaanka Raaskaambooni ee Jubbada Hoose.
Qaraxan ayaa lagu dilay Murtad Cabdullaahi Diiriye oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Raaskaambooni uqaabilsanaa maamulka Murtad Axmed Madoobe iyo sedax askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.
Qaraxan waxaa sidoo kale ku baqtiyay Afar askari oo Saliibiyiinta Kenya ah sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Saddex askari oo isla Kenyaatiga ah.
Deegaannada dhaca xeebta Jubbada Hoose sida Raaskaambooni iyo Buur Gaabo waxaa gummeysi ku heysta ciidamo Kenyaan ah halkaas oo ay ka dhiseen maamullo si toos ah u hoos taga xukuumadda Nairobi waxaana deegaanadaas laga hirgeliyay shirkad isgaarsiineed oo dowladda Kenya leedahay.