Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Al-Qaacida Oo War Kasoo Saaray Coronavirus Baaqna U Dirtay Reer Galbeedka.
  • Allposts
  • Warar

Al-Qaacida Oo War Kasoo Saaray Coronavirus Baaqna U Dirtay Reer Galbeedka.

April 5, 2020

Mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab ayaa baahisay bayaan kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida, kaas oo looga hadlayo cudurka Coronavirus ee faraha ba’an ku haya caalamka gaar ahaan wadamada reer galbeedka.

Bayaankan oo ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo English-ka, islamarkaana ka kooban 5 page ayaa waxaa ciwaan looga dhigay “ Sida ay Banii Aadamku kaga bixi karaan caloosha Nibiriga” waxaana lagu soo gudbiyay talooyin ku socda Muslimiinta iyo xitaa dadka gaalada ah.

Ugu horeyn waxaa bayaanka lagu sheegay in dhibaatada uu keeney cudurka Coronavirus ay tahay mid ballaaran, islamarkaana uu dhulka la galay dhaqaalihii caalamka, dadkana uu ka dhigay kuwa aan kasoo bixin guryahooda, kurbada iyo murugaduna ay hareysay guud ahaan Caalamka.

Wuxuu bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida si gaar ah u xusay in Coronavirus uu burburiyay dhaqaalihii Maraykanka, kaasoo todobaadyo gudahood khasaaray 2 Trillion oo dollar, oo ka dhigan khasaaraha Maraykanka ku gaaray dagaalka labaatan sano jirsaday ee uu kaga jiro wadamada Caalamka Islaamka.

Mujaahidiinta Al-Qaacida waxay bayaankooda uga hadleen iney jirto asbaab keentay in cudurka Coronavirus uu soo gaaro qaar kamid ah wadamada caalamka Islaamka, dadkana looga baahanyahay iney Allaah u towbad keenaan.

“ Waxaa xaq ah inaan dhahno in cudurka Coronavirus uu soo gaaro wadamada Muslimiinta ay sabab u tahay waxaan ku kasbannay gacmaheena, iyo fogaanshaha aan ka fognahay manhajka Allaah ee uu inoo dooray, fujuurka iyo faasiqnimadu waxay gaartay mele fog marka laga hadlayo wadamada muslimiinta, xafadlaha qaawanaanta iyo liidnaantuna waxay gaareen meeshii ugu dahirsaneyd ee ah dhulka Xarameynka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hoganaka saree e Mujaahidiinta Al-Qaacida.

Wuxuu bayaanka intaa ku darayaa in qaar kamid ah dhibaatooyinka ay maanta la noolyihiin Muslimiinta ay horey u dhadhamiyeen dadka Mujaahidiinta ah, tusaale xiritaanka masaajidda oo ay ka dhalatay inaan salaadihii Jamaacada la oogin, waxay arintaas horey u heystay Mujaahidiinta, oo hogaamiyaashoodu ay ku adagtahay in masaajidda ay kusoo tukadaan, sababo ku aadan culeesyada amni iyo weerarada uga imaanaya dowladaha Reer galbeedka.

Culimada Muslimiinta iyo Duacaada ayuu bayaanku ugu baaqay iney dadka waaniyaan, kuna xiraan Allaah Cazza wajalla, kuna dhex faafiyaan caqiidada saxan, Jihaadka wadada Allaah, iyo in loo towbad keeno Allaah SWT.

“ Si lamid ah sida aan dadka Muslimiinta ah ugu baaqeyno iney towbad keenaan, Ayaa Mujaahidiinta ku sugan Thuquurta waxaan ugu baaqeynaa iney towbad keenaan, Naftoodana xisaabiyaan, dibna u fiiriyaan howlahooda, oo ay ka towbad keenaan dembiyada ka dhacay” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida.

Dhinac kale, wuxuu bayaanku fariin dacwo iyo iney diinta Islaamka soo galaan u diray guud ahaan shucuubta Reer galbeedka ee aan heysan diinta Islaamka, iyadoona loo tusaaleeyey xaqnimada diinta Islaamka.

“ Shucuubta Reer galbeedka, tani waa Awoodda Allaah oo aad ku aragteen martidadan liidata ee noo timid, islamarkaana aan la arkeynin, waxay tani idin tahay fursad kale oo aad uga fakari kartaan xikmadda ku jirta sheygan taagta daran, Allaahna wuxuu idin tusay in muuqaallada awoodeed ee aad ku faaneysaan aaney ka hortagi Karin askariga ugu yar ee kamid ah askarta Allaah Cazza Wajalla” ayaa lagu yiri bayaanka As-Saxaab.

“ U arka cudurkan inuu digniin idin yahay, una soo laabta Fidhradiina iyo Allihiina, Aduunyadu waa mid dhamaaneysa, xisaabta jirta maalinta Qiyaamana waa mid adag. Waxaan halkan si cad idin kugu sheegeynaa inaan aad u jecelnahay inaad nagula bahowdaan Janno uu ballaceedu la egyahay cirka iyo dhulalka. Si lamid ah sida aan ugu bahowney Aduunkan Ayaan u jecelnahay- Allahna uu marqaati nooga yahay- inaan ku midowno nolosha aan dhamaadka lahayn anagoo ku sugan Jannada, sidaas darteed waxaan idin kugu baaqeynaa inaad barataan diinta Islaamka oo aad soo gashaan, gelitaanka diintan waxaad ku heleysaan liibaanta aduunyo iyo tan Aakhrio” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaankan dacwiga ah ee kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaaicda ayaa imaanaya iyadoo cudurka Coronavirus uu kusii baahayo caalamka, dowladihii sheegan jiray awoodana ay u taag la’yihiin iney maareyntiisa, sida Maraykanka, waxaana dad badan oo ducaad ah ay sheegayaan in cudurkan uu yahay mid kamid ah ciidamada Allaah, marka loo eego sida uu halakeeyey dadka gaalada ah, sidoo kalena ay muslimiintu la gudboontahay iney Allaah u towbad keenaan.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Xildhibaan Lagu Dhaawacay Jowhar Iyo Askarta Burundi Oo Qarax Lala Beegsaday.
Next: Weeraro Saf Ah Oo Ka Kala Dhacay Sh/hoose Iyo J/hoose.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-02-1447-Hijri.

August 14, 2025
Mucaaradka Oo Xaqiijiyay Inay Fashil Kusoo Dhamaadeen Kulamadii Ay La Yeesheen Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Mucaaradka Oo Xaqiijiyay Inay Fashil Kusoo Dhamaadeen Kulamadii Ay La Yeesheen Gurguurte.

August 14, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-02-1447 Hijri.

August 14, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada