Ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa weeraro kala duwan oo qaraxyo ah ka fuliyay magaalada Muqdisho kuwaasi oo siyaabo kala duwan loogu beegsaday ciidamo ka tirsan kuffaarta afrikaanta iyo maleeshiyaadka Kooxda Ridada Farmaajo.
Mujaahidniintu waxay saacadihii lasoo dhaafay qarax xoog leh ku weeraren ciidamo ka tirsan kuffaarta afrikaanta ee loogu yeero (Amisom) wakhti ay ku socdaalayeen nawaaxiga xerada Maslax degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Khasaare kala duwan ayaa qaraxaasi kasoo gaaray kolonyadii kuffaarta ee qaraxu haleelay, waxaana inta la ogyahay qaraxaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday 4 askari iyo burburka gaarigii qaraxa lala eegtay.
Sidoo kale waxay Mujaahidiintu qarax ku weerareen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Farmaajo xilli ay ku sugnaayeen inta u dhaxaysa isgoyska sayidka iyo baarlamaanka Ridada, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 2 askari oo murtadiin ah.
Waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin sidoo kale qarax ah ku weerareen maleeshiyaad ka tirsan dowladda Ridada oo ku sugnaa goob ku taal xaafadda xoosh degmada Dharkeynlay ee magaalada Muqdisho, khasaare kala duwan ayaana qaraxaasi ka dhashay.
Magaalada Muqdisho waxay marti gelinaysaa howlgallada jihaadiga ah ee lagu beegsanaayo maleeshiyaadka kooxda Ridada Farmaajo iyo kuwa shisheeyaha, iyadoona maalmihii u dambeeyay xaafadaha Muqdisho ay kusii xoogaysanayeen howlgallada Mujaahidiinta.
Calamada.com