Dagaalyahanno ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa dagaallo culus ku qaaday fariisimaha ciidamada kuffaarta afrikaanta iyo maleeshiyaadka kooxda Ridada ay ku leeyihiin deeganno dhaca wilaayaadka Sh.hoose iyo Jubbooyinka.
Ciidamada Mujaahidiinta waxay weerar xooggan ku qaadeen saldhigyada ciidamada kuffaarta Yugandha ay ku leeyihiin deegannada , Number-60, Arbacow, Danow, iyo Buufow oo ka wada tirsan wilaayada shabeellaha hoose, khasaare kala duwan ayaana laga soo sheegayaa.
Xarumaha la weeraray waxa ka mid ah saldhigyada maleeshiyaadka kooxda Ridada Somalia ay ku leeyihiin deegannada Sabiid, Jannaale iyo Owdheegle ee wilaayada shabeellaha hoose.
Dhanka wilaayada Jubbooyinka waxa la weeraray fariisin ay maleeshiyaadka Ridada ka samaysteen deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada kismaayo,
Weeraradan khasaaraha kala duwan gaystay ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay weeraro ababaulan ku ekeeyeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla wilaayaadka Jubbooyinka,Shabeellaha hoose, Hiiraan, Galgaduud, iyo Mudug.
Calamada.com