Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Shabaabul Mujaahidiin Oo 50% maamula Gobolka ‘Waqooyi Bari Kenya’ [Warbixin].
  • Allposts
  • Warar

Shabaabul Mujaahidiin Oo 50% maamula Gobolka ‘Waqooyi Bari Kenya’ [Warbixin].

January 12, 2021

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horraysay sheegtay in qaar kamid ah gobollada hoos yimaad maamulkeeda ay qarka usaaranyihiin in ay si buuxda ugu dhacaan gacanta Shabaabul Mujaahidiin.

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ahna wargeyska labaad ee ugu afka dheer guud ahaanba wadanka ayaa warbixin dheer ka qoray xaaladaha Amni xumo ee ka jira gobolka NFD ee loo bixiyay woqooyi Bari Kenya, waxa uuna sheegay in 50% gobolkaasi uu ku dhacay gacanta dagaalyahanada Al Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Mandera ninka lagu magacabo Cali Roba ayaa maqaalkan oo lagu daabacay wargeyska ku qoray gacantiisa, isagoo aad u calaalacalaya, halka sidoo kalena uu ku dheeraday ka hadalka awooda Mujahidinta ee kusii faafeysa gobolada Mandera, Wajer iyo Gaarisa.

Isagoo la hadlayay dadka Kenyanka ah ayuu yiri ” Waxaan ka xumahay inaan xaalada Amni ee sii xumaaneysa si public ah uga hadlo gaar ahaana midda khuseeya gobolka Mandheera taas oo muujinaysa in ay xaaladu faraha ka baxday.

“Anagu waxaan ku nool nahay cabsi joogta ah, Maadama Dagalyahanada Al Shabaab ay gobolka xoog ku yeesheen ayna gacanta ku dhigen Mandiqado istaraatiji ah halka sidoo kale ay dhaxleen dhiiranaan aan horey looga baran, ayna isku sii faafinayaan degaano hor leh oo gobolka katirsan”sidaas waxaa yiri guddoomiyaha gobolka Mandheera.

Mas’uulkan katirsan dowladda Kenya oo umuuqday in uu ka walaacsanyahay awoodda jihaadiga ah ee NFD kusii faafaysa ayaa su’aalo ka keenay taakdarida haysta laamaha ammaanka Kenya ee ubabac dhigi waayay dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin.

“Ma garan karo waxa naga qaldan iyo waxa naga hortaagan in aan xuduudeena ka sifeyno dagal yahanada Al Shabaab Balse waxaa xaqiiq ah inaan u baahanahy in dib loogu noqdo qorshayaasha aan ku wajaheyno argagixsada, maadama talaaba kasta oo ay dowladu qaaday ay noqotay mid fashil kusoo dhamaatay” Cali Roobo.

Warbixinta oo aheyd mid dheer ayuu sidoo kale Cali Roba ku shegay in maalin kasta amniguuu sii xumaanayo dhaqdhaqaqa dagaalyahanada Al Shabaabna uu yahay mid soo kordhaya kaas oo aysan jirin cid u dhaqaaqday ka hor tagooda, wuxuuna intaa sii raaciyay in 3di bil ee lasoo dhaafay ay ugu darneyd hadana ay arrintu gaartay meel halis ah taas oo keentay in uu warbaahinta ka qeyla dhaamiyo.

“Al Shabaab waxay Zakada xoolaha ka qaadaan dadka ku dhaqan gobolka Mandheera si lamid ah dadka ku hoos nool deegaanada ay ka maamulaan Soomaaliya sidoo kalena cilaaqaadka ay la leeyihin Bulshadana waa mid wanagsan, waana laga maarmaan in la helo Siyaasad cusub oo arinkaasi looga hortago”ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulkan katirsan dowladda Kenya.

Isagoo u qeyla dhaansanayay maamulka dhexe ee dowlada Kenya ayuu ku cataabay in 60% gobolka Mandheera uu ka baxay gacanta dowlada ayna si toos ah u maamulaan Al Shabaab arrintaas oo faragelin deg deg ah u baahan, hadii kalena ay Mujahidintu qabsan doonaan guud ahaanba gobolka Mandheera ee dhaca waqooyi bari dalka Kenya.

Mujahidinta ayuu tilmaamay in ay si xuriyad leh ugu dhaq dhaqaaqan gobolka NFD, ee kuhoos jiro gummeysiga dowlada Kenya, lagu dhiiran waayay in wax laga qabto iyadoo xitaa ay jiraan ilo sirdoon oo had iyo jeerba soo tabiyo dhaq dhaqaqyadooda.

Xaalada amni ee gobolka Mandheera oo markii hore aheyd mid aan lagu faani Karin ayuu hadda tilmaamay in ay amni xumadi kajirtay kasii dartay, dagal yahanadana ay yihiin kuwa filiman ka duubaya tallaabo kasta oo ay qaadaan, taas oo keentay in la dafiri waayo awooda ay ku leeyihin deegaanada hoos yimaada gobolkaasi.

Dhawwaan Al Shabaab waxa ay weeraro jidgal ah u dhigen gaadiid Ambulance ah oo ay leedahay dowlada hoose ee gobolka, sidoo kale waxa ay gacanta ku dhigen Sarkaal lagu magacabo Cumar Adan Buule, kaas oo ay ka qafaasheen gobolka Wajer 18 Bisha December, Sarkaalkaas oo ay ugu dambeyn dileen meydkiisana laga helay dhulka howdka ah.

Sidoo kale dagalyahannada jihaadiga ah waxay weerareen xarumaha ciidanka Police-ka, dhawaana waxa ay burburiyen Saldhig dayactir lagu sameyey, kaas oo ay miinooyin ku xireen, waxaana intaa sii dheer weerarada lagu qaado xarumaha shirkada isgaarsiinta Safaricom ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Ula jeedka loo weerarayo Shirkadaha Isgaarsiinta ayuu Cali Roba ku sheegay in uu yahay in dadka deegaanka laga jaro xiriirka ay la leeyihin maamulka dowladda iyo caalamka intiisa kale, taas oo adkeyn karta howlgalladi ka dhanka ah Mujahidinta ee gobolkaasi ka socday.

Warbixinta lagu qoray Wargeyska the Standard ayaa sidoo kale lagu shegay in Malin kasta ay isasoo tarayan tirada Sarakiisha ciidanka Amniga ee lagu dilayo goboka Mandheera dariqyada isku xira Nairobi iyo Caasimada gobolkana ay maamulaan dagaalyahanada Al Shabaab, kuwaas oo had iyo jeerba beegsada dadka gaalada ah iyo kuwa la shaqeyo maamulka dowlada ee wadankaasi.

Dowladda Kenya ayuu si cad ugu eedeeyey in ay ku fashilantay ilaalinta gobolka Waqooyi Bari, wuxuuna cod dheer ku yiri “Runtu qaraari waxa ay tahay in %50 gobollada Wajeer, Garissa iyo Mandheera ay gacanta ugu jiraan Al Shabaab ayna lama huraan tahay in xaqiiqdaasi ay shacabku ogadan”.

Ugu danbeyn Cali Robo ayaa warbixinta uu qoray kusoo gaba gabeyey qeyllo dhaan gurmad dalab ah oo uu u jeedinayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta wuxuuna ku calaacalay in Saraakiisha Amniga ay ku fashilmen howshii loo diray, ayna ku guul dareysteen Sugida amniga gobolka hadana la joogo waqtigii wax laga qaban lahaa habacsananta ka jirto amniga deegaanada dhaca xuduud beenaadyada ay wadagan Soamaaliya iyo Kenya haddii kalana Al Shabaab ay qabsan doonto guud ahaanba gobolkaasi.

Sanaddii 2011 markii ay ciidanka Melleteriga Kenya duullaanka gardarrada ah kusoo qaadeen Soomaaliya ayay Al Shabaab dhankeeda duullaan ku qaaday gudaha Kenya halkaas oo ay sanadadii lasoo dhaafay ka geysanaysay weeraro laayaan ah.

Xigasho: The Star Kenya

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Ibraahim Galaas Oo Lagu Dilay Baarsanguuni.
Next: Weerar Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Gedo.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-07-1447 Hijri.

January 17, 2026
Xuuthiyiinta Oo Ku Goodisay Weeraro Ka Dhan Ah Masaalixda Yahuudda Ee Waqooyiga Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Xuuthiyiinta Oo Ku Goodisay Weeraro Ka Dhan Ah Masaalixda Yahuudda Ee Waqooyiga Somalia.

January 17, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 28-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 28-07-1447-Hijri.

January 17, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada