Wararkii ugu dambeeyey ee maanta oo Khamiis ah ka imanaya xiisadaha kasoo cusboonaaday waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya, in ay sii xoogaysteen dagaallada u dhaxeeya ciidanka federaalka iyo jabhadda xoreynta shacabka Tigrey ee TPLF.
Dagaalka ka socda dhinaca gobolka Canfarta ayay wararku tibaaxayaan in uu sii fiday, iyadoo dagaallo culus iyo madaafiic laga soo sheegay magaalada Yallo oo ka tirsan gobolka Canfarta, kuna dhow xad-beenaadka u gobolkaasi la leeyahay gobolka Tigrey.
Ku-xigeenka guddoomiyaha TPLF, Amanuel Assefa ayaa isagoo la hadlaya wakaaladda wararka AFP, waxa uu yiri “Hadda waxaan ku jirnaa xaalad dagaal buuxa,” Waxaanu intaas ku daray oo uu xaqiijiyey in dagaalladu ay weli ka socdaan gobollada Canfarta iyo Axmaarada.
TPLF waxay garab ka helaysaa kooxo hubaysan oo maxalli ah. Waxaanu Kjetil Tronvoll, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha gobolka kana tirsan Oslo New University College, ayaa AFP u sheegay in weerarka ka socda gobolka Cafarta ay u badan tahay in ujeeddadiisu tahay in la jaro sahayda Itoobiya uga timaadda waddanka Jabuuti.
Xoghayaha Guud ee urur-gaaleedka Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, oo ka hadlay xiisaddan, ayaa walaac xooggan ka muujiyey sida deg-degga ah ee xaaladdu uga sii darayso, iyagoo si gaar ah carabaabay garoomada Mekelle, Axum iyo Shire oo gacan-ku-heyntooda ay si buuxda ula wareegtay TPLF.
Waxay sheegeen in dagaalladu ka socdaan Tigray iyo nawaaxigeeda, isla markaana ay kusii fidayaan deegaanno deris ah, waxaanay ka digeen tallaabooyin ay tilmaameen in ay keeni karaan dagaallo ka ballaaran oo ka sii burbur badan kuwii hore.
Kooxda TPLF oo isla maanta war-saxaafadeed jawaab ah soo saartay ayaa ku eedaysay Midowga Afrika in uu ku guuldarraystay inuu si dhab ah uga shaqeeyo hirgelinta Heshiiska Joojinta Colaadda gobolka Tigrey ee la saxiixay 2022.
TPLF waxay sheegtay inay marar badan Midowga Afrika ka codsadeen inuu cadaadis saaro Dowladda Federaalka Itoobiya si loo fuliyo heshiiska, isla markaana dib loo hawlgeliyo guddigii sare ee AU ee kormeerayay heshiiska, balse aysan helin jawaab ku filan.
Sidoo kale TPLF waxay ku eedaysay Dowladda Federaalka in ilaa wakhti-xaadirkan aysan fulin qodobada muhiimka ah ee heshiiska ka mid ah, isla markaana qaybo ka mida dhulka Tigray aysan weli hoos iman maamulka Tigray, halka dad badan oo barakacay ay weli yihiin bacad-yaal.
TPLF waxay sheegtay in shalay ciidamada federaalku ay weerarro ku qaadeen fariisimo ay ciidamadoodu ku leeyihiin gobolka Tigrey iyo dhinaca Gobolka Cafarta, isla markaana duqeymo diyaaradeed iyo madaafiic culus oo lagu soo qaaday kadib, ay ciidamadoodu ku qasbanaadeen inay is-difaacaan.
Tan iyo markii maalmo ka hor lagu dhawaaqay Midowga Jabhadaha ugu tunka weyn Itoobiya, TPLF waxay bilawday inay dhaqdhaqaaq xooggan, waxaanay saacadihii lasoo dhaafay la wareegtay saddexda garoon-diyaaradeed ee ugu weyn gobolka Tigrey iyo deggaanno dhaca gobolak Canfarta.