Xili khilaafka u dhaxeeya Jabhadda TPLF iyo dowladda Itoobiya uu mar kale cirka isku sii shareerayo, ayey TPLF beenisay eedeymo uga yimid Midowga Yurub oo ku aadan inay carqaladeynayso heshiiskii Pretoria, iyadoo taa beddelkeeda ku eedeysay xukumada Addis Ababa inay ku guuldareysatay fulinta qodobadii lagu heshiiyay.
TPLF ayaa sheegtay in walaaca uu muujiyay Midowga Yurub uu ku saleysan yahay xog aan sax ahayn oo aan ka tarjumayn xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka Tigreega. Waxay ku doodday in eedeymaha loo jeediyay ay yihiin kuwo aan xaqiiqo ku dhisnayn, isla markaana ay jirto baahi loo qabo in si dhab ah loo qiimeeyo caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiska nabadda.
Midowga Yurub ayaa dhawaan ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay dib u bilaabaan wada-hadallada, isagoo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee sii xumaanaysa ee waqooyiga Itoobiya. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay TPLF inay samaysay gole maamul oo barbar socda maamulka gobolka iyo inay qaaday tallaabooyin ciidan oo halis gelin kara heshiiska Pretoria.
Dhanka kale, TPLF ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay si ula kac ah uga gaabisay hirgelinta qodobada muhiimka ah ee heshiiska Pretoria tan iyo markii la saxiixay dabayaaqadii sanadkii 2022. Waxay sidoo kale ku doodday in dowladda Addis Ababa ay isku dayday inay meesha ka saarto doorkii TPLF ee heshiiska, isla markaana hadallada kasoo baxay mas’uuliyiinta sare ee dowladda ay dhaawaceen geeddi-socodka nabadda.
Xaalada hada ka taagan gobolka Tigree ayaa umuuqata mid gobolka dib ugu celinaysa colaad horleh, iyada oo dhinacyada ay isku biratumanayaan makale, balse waxa cusub ayaa ah in colkii shalay maanta xulafo yihiin TPLF-na ay kasoo safatay garabka Asmara.