Dagaalka u dhexeeya ciidanka federaalka Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa lasoo warinayaa inuu ku fiday jihooyin dhowr ah, kadib markii habeen hore ay TPLF la wareegtay saddexda garoon-diyaaradeed ee ugu waaweyn gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Sida ay wararku tibaaxayaan dagaalladan ayaa sidoo kale ka qarxay gobollada deriska ah ee Canfarta iyo Amxaarada, waxaana dagaallo culus laga soo sheegay xadka u dhexeeya gobollada Tigray-ga iyo Canfarta, iyo sidoo kale gudaha gobolka Amxaarada.
Ilo-wareedyo ay soo xigatay wakaaladda Wararka AFP ayaa sheegay in ciidanka federaalka Itoobiya iyo jabhadda TPLF oo kaashanaysa kooxo fallaaga ah ay isku fara-saareen magaalooyinka Abala iyo Erebti oo ka tirsan gobolka Canfarta.
Sida ilo amni oo ku sugan Itoobiya u xaqiijiyeen AFP, Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigrey waxay gebi ahaanba la wareegeen gacan-ku-heynta magaalada Abala oo ku taalla dhul buuraley ah oo xuduud la leh gobolka Tigrey, iyadoo halkaasi bilihii u dambeeyey ay fariisin u ahayd ciidamada Itoobiya.
Mas’uul sare oo hore uga tirsanaa TPLF ayaa AFP u sheegay in jabhaddu ay gacanta ku dhigtay magaalooyin iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Canfarta sida Berhale, Erebti, Megale, Dalul iyo Konoba, kadib markii ciidamada federaalku ay dib-u-gurasho degdeg ah ka sameeyeen aagaggaasi.
Sida lagu sheegay bayaan shalay kasoo baxay maamulka Tigray, maaleeshiyaadka TPLF ayaa lagu amray in ay galaan wax lagu sheegay dagaal difaac ah, kadib markii ciidamada federaalka lagu eedeeyey inay weerar iyo duullaan hor leh ku qaadeen gobolka Tigray.
“Kadib markii ay sii xoogeysatay duullaanka iyo xasuuqqa uu nidaamka kali-taliska ah ee Abiy Ahmed uu ku hayo shacabka Tigray, Dowladda Maamulka Gobolka Tigray waxay ku dhawaaqday in ciidamada Tigray lagu amray inay ka hortagaan weerarka ayna galaan dagaal difaac ah.” ayaa lagu yiri bayaanka.
Habeen hore ayay ahayd markii jabhadda Tigrey-gu ay dagaallo saf ballaaran ah kula wareegtay madaarka caalamiga ah ee caasimadda gobolka Tigray ee Maqalle, iyo sidoo kale garoonnada diyaaradaha ee magaalooyinka Shire iyo Aksom.
Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay hakisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay saddexdan garoon-diyaaradeed ee ku yaalla gobolka Tigray, kaddib markii TPLF la wareegtay gacan-ku-heynta garoonnadaasi.
Getachew Reda, oo la-taliye u ah Abiy Ahmed isla markaana hore uga tirsanaa TPLF, ayaa bartiisa X, ku xaqiijiyey in TPLF ay la wareegtay garoomo diyaaradeed isla markaana ay qaadday weerar ballaaran oo lagu beegsanayo fariisimaha dowladda ee gobollada Canfarta iyo Amxaarada.
Ilo-wareedyo kala duwan oo ay ku jiro mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, ilo diblomaasiyadeed, ilo xiriir la leh TPLF iyo maleeshiyo xulafo la ah, ayaa dhammaantood Reuters u xaqiijiyay weerarrada ka socda gobollada Tigrey-ga, Canfarta iyo Amxaarada.
Ilo-wareedyadu waxay sidoo kale sheegeen in jabhadda Tigrey ee ka dagaallamaysa gobolka Canfarta, gacan-saar la leedahay koox hubeysan oo deegaanka ah, halka gobolka Amxaarada ay si wadajir ah ula dagaallamayaan ciidamada dowladda, iyagoo dhinac la ah maleeshiyada Fano.
Wararka qaar ayaa sheegaya in suurtagal ah in jabhadda iyo kooxaha kale ee fallaagada ah ay isku dayaan inay jebiyaan xayiraad qayb ah oo dowladda federaalku saartay gobolka Tigray, isla markaana ay gooyaan waddooyinka waaweyn ee isku xira caasimadaha Addis Ababa iyo Jabuuti.
Xiisaddan mar labaad soo karaar-qaadatay, ayaa ka dhalatay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya TPLF iyo dowladda federaalka Itoobiya, iyadoo ay weli jiraan khilaafaad siyaasadeed, dhuleed iyo amni oo lagu xallin kari waayay heshiiskii Pretoria ee 2022.
Jabhadda TPLF ayaa saddex maalmood ka hor ku biirtay isbahaysi ay ku midoobeen toddobo kooxood oo u badan jabhadaha hubaysan sida Fano iyo OLA, kuwaas oo sheegay inay doonayaan in xukunka ay ka tuuraan xukuumadda Abiy Axmed.