Wararka ka imaanaya dalka Kenya, ayaa sheegaya in dab lagu hanti beelay uu ka kacay dugsi kuyaal magaalada Eldoret ee wadanka Kenya, halka dhowr qof ay ku dhaawacmeen dhisme kusoo dumay dad degganaa.
Dabka oo si gaar ah ug kacay qaybta jiifka dugsi sare oo kuyaal magaalada Eldoret, ayaa waxaa ku basbeeshay hanti qiimaheeda lagu qiyaasay malaayiin shiling oo Kenyan ah.
Lama soo werin khasaare nafeed oo ka dhashay dabka, qolka uu sida gaarka ah uga kacay dabka ayaa waxaa degganaa ku dhowaad 340 arday oo dhigata fasalladda Saddexaad iyo Affaraad ee dugsigaasi.
Dhanka kale, ugu yaraan 8 qof ayaa lasoo wariyay inay dhaawacmeen kadib markii uu kusoo dumay dhisme afar dabaq ka kooban oo kuyiillay deegaanka Mamboleo ee hoostaga magaalada Kisumu.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in 6 ka mid ah dadka dhaawacmay lagu daweeyay isla goobta, halka laba qof oo kle oo xaaladdoodu liidatay loo weeciyy cisbitaal kuyaal aagga.
Dhismaha afarta dabaq ka kooban ee soo dumay, ayaa lasoo wariyay in uu hoy u ahaa ku dhawaad ilaa 40 qoys, xilliga dhacdadu dhacaysay waxa uu dhisme ka socday baa la yiri qayb ka mid ah dhismahaasi.